Maxaas (Dawan) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta oo Axad ah la wareegtay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaddib weerar lama filaan ah oo ay subaxnimadii hore ku qaadeen magaalada. Dadka deegaanka ayaa u xaqiijiyay Dawan in magaalada ay gashay gacanta kooxda, kaddib dagaal culus oo halkaas ka dhacay, taasoo dhabar-jab ku noqotay ciidamadii deegaanka ee Macawisleyda iyo kuwa dowladda oo halkaas saldhigyo ku lahaa.
Degmada Maxaas waxay ahayd xarun istaraatiiji ah oo muddo 12 sano ah ay saldhigyo ka lahaayeen ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda. Qabsashada magaalada ayaa u ah guul istaraatiiji ah oo dhinaca dagaalka ah oo ay Al-Shabaab sheegteen.
Arrintan ayaa imaneysa toddobaadyo kaddib markii Al-Shabaab ay la wareegeen magaalada Moqokori oo sidoo kale ka tirsan gobolka Hiiraan, taasoo horey ugu jirtay gacanta Macawisleyda. Labada magaalo waxay leeyihiin muhiimad weyn oo dhinaca juqraafiyeed iyo istaraatiijiyadeed ah, gaar ahaan dagaalka dowladda kula jirto kooxda Al-Shabaab.
Kooxda Al-Shabaab ayaa si cad u sheegtay inay la wareegtay magaalada Maxaas, iyagoo barahooda warbaahineed kusoo qoray.
Ilaa iyo hadda, dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan bixin war rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan. Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta dowladda ayaa horey u sheegtay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weerar ka hortag ah ka fuliyeen deegaanka Birta oo ku yaalla xuduudda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.
Qabsashada Maxaas ayaa walaac xooggan ka dhalisay, maadaama ay su’aalo ka keenayso sii jiritaankii guulihii dhuleed ee dowladda sheegatay inay ka gaartay ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab. Luminta laba magaalo oo muhiim ah oo isku xigta ayaa loo arkaa inay muujinayso kororka dhaq-dhaqaaqa dagaal ee kooxda.
Ilaa iyo hadda lama helin war madax-bannaan oo si dhab ah u xaqiijinaya tirada khasaaraha ama sida ay kooxda gacanta ugu dhigtay magaalada.