Dooxa (Dawan) – Dowladda Qatar ayaa si rasmi ah u martigelisay shirka Guddiga Xiriirka ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, kaas oo maanta ka furmay magaalada Doha ee dalka Qatar.
War rasmi ah oo kasoo baxay wasaarada arimaha Dibada Qatar ayaa lagu sheegay in Shirkaan uu socon doona muddo labo maalmood, 27–28 Luulyo , iyada oo looga gol leeyahay in la xoojiyo iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah OIC si loo taageero dadaallada Soomaaliya ee dib-u-dhiska, xasilloonida, iyo horumarka.
Shirka inta uu socdo waxaa sidoo kale lagu lafa-gurayaa xalalka waara ee lagu wajahayo caqabadaha adag ee ay la tacaalayso dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shirkaan oo ah mid diyaar-garow unoqonaya shirka guud ayaa waxaa guddoomiyay Agaasime ku-xigeenka Waaxda Ururrada Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Maxamed Bin Axmed Al-Xamadaani, kaas oo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay in laga shaqeeyo taageerada Soomaaliya, isaga oo xusay baahida loo qabo xal la isku raacsan yahay oo la jaanqaadaya xaaladda dalka.
“Waxaa lagama maarmaan ah in laga shaqeeyo xalal dhisan oo loo marayo iskaashi dhab ah oo lala yeesho bahwadaagta iyo daneeyeyaasha muhiimka ah,” ayuu yiri Al-Xamadaani.
War saxaafadeedka wasaarada Arimaha Dibadda ayaa lagu adkeeyay in Dowladda Qatar ay ka go’antahay in ay ka qaadato kaalin mug leh xalka Soomaaliya, gaar ahaan dhameystirka mashaariicda horumarineed, gargaarka joogtada ah, iyo dhisidda awood dowladeed oo shacabka Soomaaliyeed ka haqabtirta adeegyada aasaasiga ah.
Shirka Guddiga Xiriirka ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Waa shir lagu muujinayo taageerada dalalka Islaamka u hayaan Soomaaliya, gaar ahaan marka ay la tacaalayso xaalado amni, dhaqaale iyo bini’aadanimo.
Gudigaan ayaa la aasaasay sanadkii 2007dii iyada oo ujeedku ahaa in La muujiyo taageerada dalalka Islaamka ee Soomaaliya,Loona sameeyo iskaashi joogto ah oo ku aaddan nabadda, horumarka, iyo gar-gaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya.