Laascaanood(Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u aqoonsatay habeennimadii Arbacada dhismaha Dowlad Goboleed cusub oo lagu magacaabo Waqooyi Bari Soomaaliya, kaddib markii la soo gabagabeeyay shirweyne socday siddeed maalmood oo lagu qabtay magaalada Laascaanood, kaas oo lagu dhameystiray hannaanka maamulka cusub iyo ansixinta dastuurkiisa.
Shirkan ayaa waxaa ka qayb galay 432 ergo, waxaana 417 ka mid ah ay si aqlabiyad ah u ansixiyeen Dastuurka maamulka cusub. Ergada ayaa ka kala socday beelaha ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag, iyo Buuhoodle, waxayna si qoto dheer uga doodeen arrimo aasaasi ah oo ay kamid yihiin: qaabka dhismaha hay’adaha dowliga ah, magaca rasmiga ah ee maamulka, calanka, astaanta, tirada xildhibaanada, iyo xilliga uu maamulka shaqeynayo.
Sida ku xusan dastuurka la ansixiyay oo shirka laga aqriyey nuqullo ka mid ah ayaa qeexaya in magaca rasmiga ah ee maamulka uu noqonayo Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, iyadoo Laascaanood ay noqon doonto caasimadda.
Sidoo kale, waxaa ku jiray oo la ansixiyay calanka iyo astaanta maamulka, tirada baarlamaanka oo noqon doona 83 xildhibaan, iyo in maamulka uu yeesho muddo xileed shan sano ah. Maamulka cusub wuxuu adeeg u noqon doonaa bulshada ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag, iyo Buuhoodle.
Maamulka cusub wuxuu adeeg u noqon doonaa bulshada ku dhaqan Sool, Sanaag, iyo Buuhoodle, taasoo ah degaan muddo dheer uu muran siyaasadeed iyo mid maamul ku dhex marayay Somaliland iyo Puntland.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Federaalka, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo soo xiray shirweynaha, ayaa ammaanay ergadii ka qeyb gashay shirka, isaga oo sheegay in geeddi-socodkani uu yahay mid sharciyaysan oo waafaqsan Dastuurka Federaalka.
“Tani waa tallaabo taariikhi ah oo horay loogu qaaday midnimo, nabad iyo sharciyad federaal ah oo laga hirgelinayo waqooyiga Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Xoosh.
Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya wuxuu noqonayaa Dowlad Goboleedkii lixaad ee rasmiga ah ee Soomaaliya, oo ay weheliyaan: Puntland, Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed, iyo Jubbaland.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in wejiga xiga ee dhismaha maamulka uu noqon doono dhisidda baarlamaanka maamulka cusub iyo qabashada doorashooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka.
Dowladda Federaalka ayaa ballan qaaday inay si buuxda u taageeri doonto dhismaha hay’adaha maamulka, horumarinta hannaanka doorashooyinka, iyo dowlad-dhisid ku saleysan wada-tashi iyo ka-qaybgal bulsho.