Thursday, August 7, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Codsiyada deeqda caalamiga ah ee Chevening Scholarships 2025 ayaa si rasmi ah loo furay, taas oo siinaysa dhalinyarada Soomaaliyeed iyo xirfadlayaasha fursad ay ku helaan waxbarasho Bilaash ah oo heer Master ah oo ay ka dhigtaan jaamacadaha UK.

Muqdisho

In ka badan sanad ka dib Itoobiya ayaa safiir ku yeelaneysa Soomaaliya kadib safiirka ay itoobiya usoo magacaabtay Soomaaliya oo maanta Madaxweynaha Soomaaliya uu ka gudoomay warqadaha aqoonsiga Safiirnimo.

Kulan ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya ayuu Madaxweynaha Soomaaliya warqadaha aqoonsiga ugu gudoomay 8 dal oo ay itoobiya ka mid tahay, wadamada uu maanta aqoonsiga safiirnimo laga gudoomay ayaa kala matalaya dalalka : Itoobiya, Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Kuuriyada Koonfureed, Mauritania iyo Ciraaq.

Muqdisho

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay ku dhawaad $1 milyan, oo laga helay xisaabaad bangi oo la tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin shabakado maalgelin argagixiso.

Muqdisho

Dab weyn ayaa fiidnimadii Isniinta ka kacay Suuq Bacaad, oo ka mid ah suuqyada ugu waaweyn uguna mashquulka badan Muqdisho, wuxuuna sababay geerida hal qof iyo burbur hantiyeed lagu qiyaasay in ka badan $500,000, sida ay mas’uuliyiinta suuqa u xaqiijiyeen Dawan Talaadadii.

Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada xoogga dalka oo ay garab siinayaan ciidamada Uganda ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ay dileen in ka badan 70 dagaallamayaal oo ka tirsan Al-Shabaab intii uu socday howlgal milatari oo afar maalmood qaatay oo ka dhacay Bariire, gobolka Shabeellaha Hoose.

Muqdisho

Starlink, oo ah adeegga internet-ka dayax-gacmeedka ee ay leedahay shirkadda SpaceX, ayaa si rasmi ah uga howlgalay gudaha Soomaaliya, isaga oo bixiya adeeg internet oo degdeg ah isla markaana leh dib-u-dhac (latency) aad u yar. Ballaarintan ayaa la filayaa in ay si gaar ah u gaarsiiso internet deegaannada ay adkeyd in adeegyo internet oo caadi ah laga hirgeliyo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here