Thursday, August 7, 2025

Federalnimada Soomaaliya: Nidaam Aan Laheyn jiheeye.

Waxaa qoray Avv. Cumar Cabdulle “ Dhagey”

Nidaamka federaalka waxaa loogu talagalay inuu noqdo xal ay Soomaaliya kaga gudubto kala qaybsanaanta iyo burburkii dowladeed. Waxaa laga filayay in uu maamulku u soo dhowaado shacabka, lagu aqoonsado kala duwanaanta, lagana fogaado khaladaadkii hore ee awoodda ku urursaneyd dowladda dhexe,  Laakiin in ka badan labaatan sano kadib markii si rasmi ah loo qaatay, federalnimada Soomaaliya weli waa mid aan lahayn jiho – waa nidaam aan laheyn qaab xiriirsan oo dowladnimo.

 maqnaashiyaha  aragti mideysan, dastuur dhameystiran, iyo hannaan lagu xalliyo khilaafaadka ayaa  dhalisay in mashruuca federaalka ee Soomaaliya uu isu beddelo masraxa loollanka siyaasadeed, halkaasoo danaha qabiilku ay ka sarreeyaan qaranimada.

Federalnimada oo loo tarjumay Si Khaldan

In Somaliya ay noqoto dal federaal ah waxay ka dhalatay xaalad siyaasadeed

 oo khasbaysay ee  ma ahayn mid laga heshiiyay.

Bilowgii 2000-meeyadii, xilli uu dalku kasoo kabanayay dagaal sokeeye iyo burbur, federaalka waxaa loo qaatay in lagu qanciyo kooxo dagaal oogayaal ah iyo maamul goboleedyo abuurmay ka hor federaalka sida Puntland .

Weligeed federaalnimada si cad looma qeexin, looma baran, lagaman dhigin mid dadku leeyihiin. Sidoo kale Wacyigelin bulsho lagama samayn. Illaa iyo maanta, dad badan waxay federaalka ula jeedaan ‘qabiil xor ah’ ama ‘maamul beeleed leh xuduud beeleed, halkii ay ka ahaan lahayd nidaam maamul oo caddaalad ku dhisan.

Waa Dowlad Qaybsan, oo aan ahayn  Federaal.

Qaabka federaalka ee Soomaaliya wuxuu sababay kala qaybsanaan ee ma ma ahan mid ku dhisan is-faham iyo midnimo

Dowlad goboleedyadu waxay ku saleysan yihiin qabiil, halkii ay ku saleysnaan lahaayeen deegaan, dhaqaale ama juquraafi.

Waxuu Awood qaybsigu  noqday heshiisyo siyaasadeed oo kooxo gaar ah dhex mara, halkii uu ka ahaan lahaa mid dastuur ku saleysan.

Wxaaa jira Iskaashi la’aan u dhaxaysa dowladda dhexe iyo kuwa gobollada taasoo  noqotay caadi.

Waxaa  intaas  dheer in  uu dhinac walba yeesho ciidamo u gaar ah, sharciyo is-diidan, iyo xiriir dibadeed oo is burinaya.

Dastuur Aan La Dhameystirin

Dhibaatada ugu weyn ee federaalka Soomaaliya waa dastuurka KMG ah ee aan weli la dhameystirin (laga ansixiyay 2012). In ka badan toban sano kadib, weli wuxuu ku jiro xaalad qabyo ah. Qodobada muhiimka ah sida qaybsiga kheyraadka, awoodaha garsoorka, iyo nidaamka maaliyadda ayaa ah kuwo aan caddeyn.

Firaaqaasi wuxuu sababay qalalaase sharciyeed, jahawareer siyaasadeed, iyo is-maandhaaf aan la xallin karin. Ma jirto maxkamad dastuur oo madax bannaan, mana jiro gole rasmi ah oo xal u helo khilaafaadka u dhexeeya heerarka dowladda.

Khatarta Ka Timaadda Federaalka Aan Jiho Lahayn.

Federaal aan qeexnayn waa mid khatar ah. Waxay keeni kartaa:

  •  Maamul is barbar socda iyo hay’ado badan oo  oo qabta  shaqooyin is ku mid  ah  “overlapping”.
  • Sinnaan la’aan dhinacyada horumarinta iyo farqi u dhexeeya gobollada.
  • Aqoonsi qaran” national identity “oo luma, halka qabiil  ama dowlad goboleed beeled noqdaan waxa leysku aqoonsado( somalilander , puntlander , galmudug lander…. IWM) . 
  • – Ku tiirsanaan xooggan oo lagu qabo  quwado shisheeye si loo xalliyo arrimaha gudaha.

Haddii lagu sii socdo waddadan , waxay Soomaaliya u horseedi kartaa in ay isu beddesho dowlad goboleedyo midwalba goonideeda u taagan tahay  oo aan laheyn himilo qaran.

Sidee loo badbaadin karaa federtalnimada.? 

Haddii Soomaaliya ay dooneyso in ay badbaadiso mashruuca federaalka, waa in si degdeg ah loo qaadaa tallaabooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

Dhammeystirka  qodobada Dastuurka ee  la xiriira awood qaybsiga, kheyraadka iyo hannaanka  garsoorka  federaalka ah.

Waxaa sidoo kale  muhiim ah  in la dadejiyo Dhisidda Maxkamadda Dastuuriga si xal loogu  helo khilaafaadka arrimaha dastuuriga.

3. Dib-u-habeynta xiriirka dowladda dhexe iyo gobollada — iyadoo la adeegsanayo sharci, wada-tashi joogto ah, iyo ixtiraam labada dhinac.

4. Wacyigelin bulsho — si shacabka loogu fahamsiiyo waxa federaalku yahay iyo waxa uusan ahayn.

5. Heshiis Siyaasadeed Qaran — si hoggaamiyeyaasha u doorbidaan qaranka, kana tanaasulaan dano qabiil.

Gabagabo

Federaalku wuxuu ahaa  ujeedkiisu in uu noqdo mid badbaado u keena Soomaaliya , Laakiin maqnaashiyaha  khariidad iyo hoggaan leh aragti lagu dhiso dowladnimo federaal ah   waxay keentay in  jihada naga dhunto oo markabka nooga cilladoobo badweynta dhexdeeda.

Federaalnimo weli way shaqayn kartaa ,balse waa in lagu saleeyaa sharci, la hogaamiyo iyadoo la leeyahay aragti cad, islamarkaana ay ku dhisan tahay iskaashi dhab ah.

Soomaaliya waa inay si cad u Kala doorataa laba arrimood mid , inay noqoto urur goboleedyo beeleed oo mid waliba goonidiisa u taagan yahay  ama  Jamhuuriyad federaal ah oo leh himilo qaran.

Avv Omar  Abdulle waa falanqeeye Soomaaliyeed oo arrimaha dowladnimada iyo isbeddelka siyaasadeed.

Email: omardhagey@gmail.com

Fiiro Gaar ah: Qormadani waxay ka tarjumeysaa ra’yiga qoraha, ma matalayso mowqifka DAWAN ama hayadda uu Ka shaqeeyo iyo cid kaleeto midna.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here