JABUUTI (Dawan ) – Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah u dirtay 373 askari oo qeyb ka ah kaalmadeeda howlgalka kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Cutubkan cusub ayaa lagu wadaa inuu xoojiyo joogitaanka ciidamada Jabuuti ee bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud
Ciidamada ayaa la diray waaberigii hore ee arbacada, iyagoo ka ambabaxay garoonka caalamiga ah ee magaalada Jabuuti, kadib munaasabad sagootin ah oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin sar sare, oo uu ka mid ahaa Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida, General Zakariye Sheekh Ibraahim.
Sida uu baahiyay Telefishinka Qaranka Jabuuti, ciidamada cusub ayaa xoojinaya guutooyin horey uga howlgalayay bartamaha Soomaaliya gaar ahana , kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka AUSSOM.
Dirista ciidamadaan ayaa timid hal toddobaad kadib markii dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen Heshiiska Xaaladda Ciidamada (Status of Forces Agreement – SOFA), kaas oo oggolaanaya kordhinta ciidamada Jabuuti ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.
Jabuuti waxay noqotay dalka saddexaad ee ku biiro howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo si rasmi ah ugu biirtay bishii December 2011. Tan iyo markaas, waxay joogitaan milatari ku leedahay gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, halkaas oo ay ka fuliyeen hawlgallo xasillin ah.