Gaashaamo (Dawan )– Cusbitaalka weyn ee degmada Gaashaamo ee gobolka Jarar ayaa maanta xarigga ka jaray warshad cusub oo soo saarta Oksijiin iyo dhisme casri ah oo loogu talagalay farmasiga dadweynaha.
Labadan xarumood caafimaad ayaa lagu hirgeliyay iskaashi dhexmaray Xafiiska Caafimaadka Deegaanka, maamulka Cusbitaalka Gaashaamo, iyo bulshada deegaanka. Mashruucan waxaa lagu maalgeliyay dhaqaale gaaraya 15 milyan oo birr Itoobiya ah (qiyaastii $260,000 USD).
Munaasabadda xarig-jarka ayaa ka dhacday gudaha cusbitaalka, waxaana ka qayb galay Wasiirka Xafiiska Caafimaadka Muuse Axmed Ibraahim, Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Muxiyadiin Cabdi Faarax, xildhibaano, masuuliyiin ka kala socday Somaliland iyo gobolka Jarar, odayaal dhaqameed iyo ganacsato.
Agaasimaha Cusbitaalka Gaashaamo, Xamse Cumar Maxamed, ayaa sheegay in mashruuca lagu dhisay hannaan ka-qaybgal bulsho. “Mashruucani wuxuu ahaa mid waqti iyo juhdi badan la geliyay, waxaana si dhow uga wada shaqeynay dhammaan hay’adaha deegaanka iyo bulshada,” ayuu yiri.
Warshadda Oksijiinta ayaa la filayaa inay kor u qaaddo adeegyada daryeelka neefsashada iyo xaaladaha degdegga ah, halka dhismaha cusub ee farmasiga uu yareynayo caqabadaha helitaanka dawooyinka muhiimka ah.
Dhankiisa, Wasiirka Caafimaadka, Muuse Axmed Ibraahim, ayaa sheegay in Cusbitaalka Gaashaamo uu hadda gaaray heer uu kamid yahay xarumaha caafimaad ee si wanaagsan u daboola baahiyaha bulshada deegaanka. Wuxuu xusay in la dareemayo horumar muuqda oo ku saabsan daboolista baahiyaha caafimaad ee dadweynaha.
Dhinaca kale, qurbojoogta kasoo jeeda degmada Gaashaamo ayaa isbitaalka ugu deeqay weel (container) buuxa oo ay ka buuxaan agab caafimaad, si kor loogu qaado tayada adeegyada la bixiyo.
Bulshada deegaanka ayaa horey u fulisay mashaariic caafimaad oo ay ka mid yihiin dhismaha kaydka dhiigga iyo xarun caafimaad oo hoos timaada cusbitaalka.
Masuuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in horumarkan cusub uu sare u qaadayo awoodda cusbitaalka ee daboolidda baahiyaha caafimaad ee bulshada.