Saturday, August 9, 2025

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Turkiga iyo Masar oo Qaahira kaga wada hadli doona arrimaha Soomaaliya

ISTANBUL (Dawan) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa booqan doona dalka Masar Sabtida si uu uga qeyb galo wada-hadallo heer sare ah oo lagu wadaa in lagu soo qaado arrinta Soomaaliya, xiisadda Gaza, iyo xasilloonida guud ee gobolka, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed.
Fidan ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Badr Abdelatty. Ajandaha kulanka ayaa ka mid ah xoojinta xiriirka Turkiga iyo Masar iyo baarista fursadaha iskaashi ee Waqooyiga Afrika, Bariga Afrika, iyo gobolka Saaxil.
Soomaaliya ayaa ka mid ah qodobada muhiimka ah ee laga wada hadli doono, iyadoo labada dal ay ka wada hadli doonaan horumarka siyaasadeed, iskaashiga amniga, iyo fursadaha lagu horumarin karo mashaariicda wadajirka ah ee taageeraya xasilloonida Geeska Afrika. Turkiga ayaa ah saaxiib muhiim u ah Soomaaliya dhinacyada amniga iyo horumarinta, halka Masarna ay xiriir diblomaasiyadeed iyo barnaamijyo tababar la leedahay hay’adaha Soomaaliya.
Wada-hadallada ayaa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa wada-xaajoodka xabbad-joojinta ee u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil oo ay dhexdhexaadinayaan Masar, Qatar, iyo Mareykanka, iyo dadaallada lagu xaqiijinayo in gargaarka bani’aadannimo ee Gaza uu si joogto ah u gaaro.
Ankara ayaa sheegtay in Fidan uu ka digayo tallaabo kasta oo lagu doonayo in Gaza lagu darsado iyo wax kasta oo wiiqaya xalka laba-dowladood, isagoo ku tilmaamay caqabad weyn oo ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Shirarka Qaahira ayaa sidoo kale dib u eegi doona natiijooyinkii ka soo baxay Shirkii Caalamiga ahaa ee Falastiin ee lagu qabtay New York 28–30-kii Luulyo, kaas oo Turkigu ka qeyb galay.
Fidan iyo Abdelatty ayaa markii u dambaysay kulmay magaalada Istanbul intii lagu jiray kalfadhigii 51-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee OIC 20–21-kii Juun, halka booqashadiisii ugu dambeysay Fidan ee Qaahira ay ahayd 23-kii Maarso, isagoo uga qeyb galay shirkii OIC–Ururka Jaamacadda Carabta ee Gaza Contact Group.
Isha: Wakaalada Anadolu

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here