Thursday, August 14, 2025

Soomaaliya oo bilaawday Latashiyada wax ka bedelka cutubyada harsan ee Dastuurka

Muqdisho (Dawan) – Hay’adaha mas’uulka ka ah dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya ayaa maanta bilaabay latashiyo ku saabsan wax ka bedelka cutubyada 10-15 ee Dastuurka. Latashyadaan oo laba maalmood soconaya waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Hay’adda Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (ICRIC), Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, iyo Guddiga Kormeerka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa isu soo uruuriyay daneeyayaasha ka kala socday hay’adaha dastuurka ee heer federaal, dowlad-goboleed, iyo Gobolka Banaadir, kuwaas oo ka wada hadlaya soo-jeedimaha lagu sameynayo cutubyada haray ee Dastuurka.

“Lixda cutub ee ugu dambeeya ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa noqday kuwo lagu talo-galay latashiyo dhex maray hay’adaha dowladda dhexe iyo kuwa dowlad-goboleedyada,” ayuu yiri Senator Siciid Cowke, Xoghayaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Latashiyadani waxay imanayaan kadib dhammeystirka latashiyadii ku saabsan cutubyada 5 ilaa 9, oo la soo gabagabeeyay 12kii Feberaayo 2025, kuwaas oo hadda diyaar u ah sida la sheegay in loo gudbiyo Baarlamaanka Federaalka. Baarlamaanka ayaa la filayaa inuu kasoo laabto fasaxa dhammaadka bishaan, wuxuuna bilaabi doonaa dib u eegista soo-jeedintii la sameeyay.

Si kastaba, ansixinta afartii cutub ee ugu horreeyay ee Dastuurka ayaa weli la kulmaya doodo, gaar ahaan cutubka 4-aad oo la xiriira nidaamka doorashooyinka. Mucaaradka iyo qaar ka mid dowlad-goboleedyada ayaa soo jeediyay walaacyo ku saabsan cutubkan, taasoo muujinaysa doodaha weli ka taagan Dastuurka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here