Thursday, August 14, 2025

Taliye Jubaland ah oo lagu dilay dagaal ka dhacay Balad-xaawo

Beled-Xaawo (Dawan) – Dagaal aroornimadii hore  ee maanta ka dhacay  tuulada “tuulo Aamiin“ee degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sababay dhimashada Taliye Ku-xigeenkii Ciidanka Booliska Jubbaland, Xuseen Wali Cali (Xuseen Giif), sida ay xaqiijisay Jubbaland.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayay Cabdirashid Janan, Taliyaha  Hay’adda Nabad Sugidda (NISA) ee Jubbaland, iyo cutubyo ka tirsan ciidamada Jubbaland.

Taliyaha Nabad Sugidda Jubbaland, Cabdirashid Janan, oo la hadlay warbaahinta dagaalka kadib, ayaa sheegay in weerarka uu dhacay saaka, islamarkaana ay ka qeyb qaateen cutubyo ka tirsan Nabad Sugidda, Milateriga iyo Booliska Dowladda Federaalka. Wuxuu sheegay in ciidamada Jubbaland ay gudaha Kenya u baxsadeen iyagoo hubkoodii wata, isla markaana Kenya ay taageero dhanka qalabka ah siisay.

“Waxaan u baahanahay laamaha amniga Kenya in haddii qoryaha Dowladda Soomaaliyeed gacantiinna gala ay noo soo celiyaan,” ayuu yiri Janan.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka saaka  ka dhacay Beled-Xaawo. Jubbaland waxay sheegtay in dagaalkaasi uu ku geeriyooday Xuseen Wali Ali (Xuseen Giif), oo ahaa Taliye Ku-xigeenkii Ciidanka Booliska Jubbaland.

Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa xaqiijisay geerida Taliye Xuseen Giif, iyadoo sheegtay in taliyaha uu ku dhintay weerar ay soo qaadeen ciidamada Dowladda Federaalka.

Dhanka kale, war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dagaalka ay soo qaadeen xubno uu hoggaaminayay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan. Dowladda ayaa sheegtay in dagaalka ay kaga geeriyoodeen laba askari, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale sheegtay in ay gacanta ku dhigeen toban xubnood oo ka tirsan ciidamada Jubbaland ee weerarka soo qaaday.

Dagaalkan ayaa yimid iyadoo bilihii la soo dhaafay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ay ahayd meel ay xiisado dagaal ka taagnaayeen.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here