Muqdisho (Dawan) – Dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xooggan ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, xilli la qorsheeyay in maanta oo Arbaco ah uu dhaco kulan u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabiixnta Soomaaliya.
Ilo-wareedyo u hadlay Dawan ayaa sheegay in guddiga wadajirka ah ee loo xil-saaray diyaarinta war-murtiyeedka laga yaabo in laga soo saaro natiijada kulanka, ay laba jeer isu yimideen labadii maalmood ee la soo dhaafay, balse aan weli gaarin heshiis wax ku ool ah.
Guddigan oo ka kooban lix xubnood ayaa waxaa dowladda uga jira Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Caddaaladda Xasan Macallin Maxamuud, iyo Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir; halka mucaaradka ay uga jiraan Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.
Dhanka kale, xubnaha mucaaradka ayaa shirar gaar-gaar ah ku yeeshay hoyga Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, si ay isu waafajiyaan mowqifyadooda isla markaana u diyaariyaan jawaabo suuragal ah haddii wada-hadalladu fashilmaan.
Arrin kale oo dhacday ayaa ah in Madaxweynaha Xasan Sheekh uu Talaadadii booqday xarun diiwaangelinta cod-bixiyayaasha oo ku taalla Muqdisho, halkaas oo uu ka qaatay kaarkii cod-bixinta.
“Doorasho qof iyo cod ah in ay dalka ka dhacdo waa rajo muddo dheer soo socotay, waxay ku qornayd Dastuurkeenna ku meelgaarka ahaa. Dadka Soomaaliyeed in ay u soo noqoto awooddooda ku saabsan in ay yeeshaan go’aanka doorashada hoggaankooda ha noqdo Xildhibaan heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ah, Madaxweynaha dalka iyo Hoggaanka heer dowlad goboleed” maadxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.
Tani waa talaabo ay mucaaradku ku tilmaameen mid muran dhalisay, iyagoo ku eedeeyay Madaxweynaha inuu si xoog ah ku wado qorshaha doorasho ee lagu muransan yahay, kaas oo saldhig u ah wadahadallada Arbacada maanta ah.