Thursday, August 14, 2025
Array

Kaalmaha ugu sarreeya ee Imtixaanka 8-aad ee Banaadir oo gabdho ay galeen.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2024–2025, iyadoo gabdho ay galeen saddexda boos ee ugu horreeya, sida lagu sheegay xogta rasmiga ah ee maamulka.


Guud ahaan 41,076 arday ayaa u fadhiistay imtixaanka, waxaana gudbay 38,263 arday. Sida ay muujinayaan tirakoobka maamulka, 20,830 wiil iyo 17,433 gabdhood ayaa helay dhibcaha lagu gudbo, halka 2,813 arday oo ay ku jiraan 1,600 wiil iyo 1,213 gabdhood ay ku guuldarreysteen.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hambalyo u diray dhammaan ardayda ku baasday imtixaanka, isagoo si gaar ah u bogaadiyay saddexda arday ee kaalmaha hore galay:

  1. Kaalinta 1-aad: Sakiiyo Cabdullaahi Cali Iimaan – Dugsiga Amiir Nuur, Degmada Warta Nabadda
  2. Kaalinta 2-aad: Sahro Axmed Cali Maxamed – Dugsiga Giirre, Degmada Dharkenley
  3. Kaalinta 3-aad: Maymuun Ramadaan Cali Cumar – Dugsiga Imamu Zaylici, Degmada Yaaqshiid

“Waxaan ka go’an horumarinta waxbarashada, oo ay ka mid tahay kordhinta tirada ardayda, dhisidda iskuullo cusub iyo xoojinta wadashaqeynta bahda waxbarashada guud ahaan,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.


Muungaab ayaa xusay in muddadii uu xilka hayay uu dhagax dhigay shan iskuul oo gaar u ah gabdhaha, si loo ballaariyo fursadaha waxbarasho ee hablaha.


Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in natiijooyinku muujinayaan waxqabad wanaagsan guud ahaan, hase yeeshee wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la taageero ardayda ku dhacday si ay mustaqbalka ugu guuleestaan imtixaannada soo socda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here