Sunday, August 17, 2025

NISA oo sheegatay in ay dishay 11 Al-Shabaab ah

Muqdisho (Dawan) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegatay in ciidankeeda oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay fuliyeen hawlgallo ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, kuwaas oo ay ku dileen ugu yaraan 11 xubnood oo Al-Shabaab ah, isla markaana ay ku burburiyeen gaadiid iyo saanad ciidan.

Sida ay sheegtay NISA, hawlgalkii ugu horreeyay ayaa ka dhacay 12-kii Agoosto deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday shir ay ku jireen xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la sheegay in toddoba xubnood lagu dilay goobtaas.

Hawlgalkii labaad oo dhacay 13-kii Agoosto deegaanka Daarulnimca ee Shabeellaha Dhexe ayaa la sheegay in lagu fashiliyey weerar kooxda Al-Shabaab ay qorsheynayeen. NISA ayaa sheegtay in halkaas lagu dilay afar xubnood, oo uu ku jiray Cabdullaahi Ganey, oo ay ku tilmaamay inuu ka mid ahaa saraakiisha kooxda tan iyo sanadkii 2009.

Hawlgalkii saddexaad ayaa la sheegay inuu dhacay 14-kii Agoosto deegaanka Nooleeye ee gobolka Galgaduud, halkaas oo NISA ay ku sheegtay inay ku burburiyeen gaari xamuul oo siday hub iyo saanad loogu talagalay weerar lagu qaado degmada Ceeldheer.

Bayaanka NISA ayaa lagu yiri: “Hawlgalladeennu waxay guul ku soo afjareen saraakiil muhiim ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaanan burburinnay qalabkoodii dagaalka, taas oo ka hortagtay weerarro lagu beegsan lahaa shacabka iyo ciidanka ammaanka. Tani waa qeyb ka mid ah dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda bartamaha Soomaaliya.”

NISA ayaa hawlgalladan ku tilmaantay kuwo qeyb ka ah dagaalka lagu doonayo in lagu carqaladeeyo shabakadaha iyo sahayda kooxda Al-Shabaab ee bartamaha dalka. Lama helin xog madax-bannaan oo xaqiijinaysa tirada khasaaraha iyo burburka ay NISA ku sheegtay hawlgalladan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here