Sunday, August 17, 2025

Baarlamaanka Cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo la shaaciyey

Laascaanood (Dawan) – Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Xildhibaanada ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska Baarlamaanka cusub ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo ka kooban 83 xildhibaan, kuwaas oo xilka hayn doona 2025 ilaa 2030.


Liiska rasmiga ah ayaa Axaddii lagaga dhawaaqay magaalada Laascaanood, waxaana xildhibaanada cusub laga soo xulay magalaada Togdheer (16), gobolka Sanaag (37), iyo gobolka Sool (30). Sida uu sheegay guddiga, in ka badan 700 musharrax ayaa isu diiwaangeliyay tartanka, balse kaliya 83 ayaa loo ansixiyay kadib baaritaan adag oo lagu hubiyay da’da, aqoonta, iyo hufnaanta musharraxiinta.


Bayaanka guddiga ayaa lagu yiri: “Ka dib hubinta codsiyada, dhageysiga dhinacyada, qiimeynta iyo falanqeynta caddeymaha la xiriira codsiyada musharraxiinta, guddigu wuxuu go’aamiyay in xubnaha ku lifaaqan ay buuxiyeen dhammaan shuruudaha, loona aqoonsaday inay yihiin xubnaha rasmiga ah ee Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya muddada 2025–2030.”


Shaacinta baarlamaanka cusub ayaa sidoo kale albaab u furaysa doorashooyin kale oo ay ku jiraan guddoomiyaha Baarlamaanka, ku-xigeennadiisa iyo Madaxweynaha maamulka, kuwaas oo dhawaan lagu qaban doono magaalada Laascaanood.


Marka la qabto kalfadhiga koowaad ee Baarlamaanka cusub oo lagu dooranayo guddoonka, maamulka ayaa si toos ah ugu wareegi doona gacanta Baarlamaanka cusub ee dowlad-goboleedka iyadoo oo uu ka wareegi dooni dowladda Soomaliya oo gacanta ku haysay maamulkiisa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here