Sunday, August 17, 2025

Imaaraadka oo ka taageeray Puntland tababarka 500 Askari

Carmo (Dawan) – Ku dhowaad 500 askari oo boolis ah ayaa Sabtidii ka qalin jabiyay Kulliyadda Tababarka Booliska ee Carmo ee gobolka Bari, kadib markii ay dhameysteen tababar siddeed bilood ah oo ay taageertay Dowladda Imaaraadka Carabta.

Masuuliyiinta Puntland ayaa sheegay in askartan cusub lagu soo xulay heer aqooneed sare, ayna yihiin dufcaddii siddeedaad ee ka baxda kulliyadda tan iyo markii la aas aasay.

Munaasabadda xiritaanka, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ammaanay kaalinta Imaaraadka:

“Waxaan uga mahadcelineenaa Imaaraadka oo naga aqbalay inay naga taageeraan tababarkan,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in tababarkani uu qayb ka yahay dadaallada Puntland ay ku doonayso kor u qaadista xirfadda iyo hufnaanta ciidamada amniga, xilli gobolka Bari uu wajahayo caqabado la xiriira amni iyo dagaal ka dhanka ah kooxaha Daacish.

Xafladda ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan maamulka Puntland, wakiillo baarlamaan, isimmo dhaqameed, saraakiil ciidan iyo bulshada deegaanka Carmo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here