Wednesday, August 20, 2025

Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay in ka badan 100 AS ah

Awdheegle (Dawan) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa sheegay in cutubyadooda gaarka ah ee Danab, oo ay taageerayaan saaxiibada caalamiga ah, ay fuliyeen howlgal ballaaran oo ka dhacay degmada Awdheegle ee Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku sugnaayeen.

War ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Isniintii ayaa lagu sheegay in in ka badan 100 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah, oo ay ku jiraan saraakiil sare, lagu dilay howlgalkaasi.

Militarigu waxa kale oo sheegay in godad iyo guryo dhulka hoostiisa laga dhisay oo kooxda ay isticmaali jirtay la burburiyay, iyadoo duqeymo cirka ah oo sax ah lagu qaaday, halka ciidanka dhulka ay sii xoojisteen gacanta ay ku hayaan deegaanka.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in xogaha sirdoonka ay muujinayeen in Al-Shabaab ay isku diyaarinayeen inay iska caabiyaan weerarka oo loo bixiyay Howlgalka Duufaanta Aamusan. Weerarkan ayaa qayb ka ah olole ballaaran oo ay horkacayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyagoo kaashanaya ciidamada AUSOM.

“Duqeyntani waxay kooxda ku ridday khasaare culus, kadib guulihii dhowaan laga gaaray Sabiid, Caanoolle, iyo Bariire,” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Masuuliyiinta Wsaaradda ayaa sheegay in howlgalkaasi uu qayb ka yahay dadaallada lagu yareynayo awoodda dagaal ee kooxda, lagu ilaalinayo shacabka, laguna dejinayo deegaannada muddo dheer ay ka talinayeen fallaagada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here