Wednesday, August 20, 2025

Jabuuti iyo Koonfurta Suudaan oo kala Saxiixday Heshiis Is-afgarad Ganacsi

Jabuuti (Dawan) – Maamulka Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah ee Jabuuti (DPFZA) ayaa Isniintii ku dhawaaqay in heshiis is-afgarad (MoU) ay la saxiixdeen Dowladda Koonfurta Suudaan, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta isku xirka gobolka iyo horumarinta marinka ganacsiga ee White Nile.


Heshiiskan ayaa lagu saxiixay Jabuuti, waxaana kala saxiixday Abuukar Cumar Haadi, Guddoomiyaha Maamulka Dekedaha Jabuuti, iyo Lam Akol Ajawin, Wasiirka Gaadiidka ee Koonfurta Suudaan, iyadoo goobjoog ka ahaa Xasan Xaamud Ibraahim, Wasiirka Kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Jabuuti.


Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Maamulka Dekedaha Jabuuti, heshiiska ayaa diiradda saari doona maalgelinta iyo horumarinta dekedaha webiga iyo kuwa qalalan ee Koonfurta Suudaan, si loo xoojiyo isku-dhafka gaadiidka, fududeynta ganacsiga, iyo horumarinta dhaqaalaha gobolka.


“Heshiiskan wuxuu astaan u yahay tallaabo cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga laba geesoodka ah iyo kobcinta isku xirnaanta gobolka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Maamulka.


Qorshahan ayaa qayb ka ah horumarinta marinka White Nile, oo ka koobnaan doona laba marinka gaadiidka isku dhafan ee adeegaya Koonfurta Suudaan:
• Marinka Dekedaha Jabuuti: Gaadiid dhulka ah oo mari doona Addis Ababa, Jimma, Gambella iyo Nasir, kaddibna ku xirmi doona gaadiidka biyaha ee webiga Sobat → White Nile → Malakal → Juba.
• Marinka Dekedda Suudaan: Gaadiid dhulka ah oo mari doona Kassala iyo Gadaref ilaa Kosti, kaddibna doomaha webiga oo hoos ugu socda White Nile ilaa Juba iyada oo loo sii marayo Malakal.

Mamulka ayaa intaas ku daray in marinadan lagu xoojin doono xalka isku dhafan ee badda iyo hawada (sea–air cargo) iyada oo loo adeegsanayo Dekedaha Jabuuti si loo maareeyo badeecadaha qiimaha sare leh ee waqtiga degdegga ah ka imaanaya Aasiya.

Maamulka ayaa carrabka ku adkeyay in goobta istaraatiijiga ah ee Jabuuti ee Bab el-Mandeb ay sii xoojinayso kaalinta dalka ee xarun ganacsi, halka Koonfurta Suudaan ay ka faa’iidaysanayso marinno ganacsi oo la isku halayn karo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here