Wednesday, August 20, 2025

Itooboya oo Dhagax Dhigtay Waddo ay ku baxeyso 1.1Bilyan oo doollar

(Diridhabe, Dawan TV) – Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah u bilowday dhismaha waddo dheer oo isku xiraysa magaalada Diridhabe iyo Ma’iso, iyadoo mashruucan lagu bixin doono 62.5 bilyan oo Birr oo qiyaastii $1.1 bilyan.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Itoobiya, Temesgen Tiruneh, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar, Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo Aden Faarax Ibraahim, iyo mas’uuliyiin kale.

Waddadan cusub oo dhererkeedu yahay in ka badan 144 kiiloomitir, balaceeduna yahay 33.9 mitir, ayaa noqonaysa mid ka mid ah mashaariicda ugu waaweyn ee ka socda deegaanka Soomaalida Itoobiya. Dhismaha waxaa fulinaysa shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee CCECC, halka dhaqaalaha lagu maalgelinayo uu bixinayo Bangiga Adduunka. Mashruuca ayaa loo qaybin doonaa laba waji, waxaana la qorsheeyay in lagu dhammaystiro muddo afar sano gudahood ah.

Deegaannada si toos ah uga faa’iidaysan doona waxaa ka mid ah Malkajabtu, Erer, Gota Biki, Afdem, Ma’iso, Muli iyo tuulooyin badan oo ku teedsan jidka.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in waddadan ay door weyn ka ciyaari doonto kobcinta dhaqaalaha, fududeynta safarada, iyo kor u qaadista ganacsiga iyo maalgashiga.

Marka la dhammeeyo, mashruucu wuxuu xoojin doonaa isku xidhka kaabeyaasha Itoobiya, korna u qaadi doonaa isdhexgalka gobollada iyo horumarka deegaanada taariikhiyan ka liitay isku xidhnaanta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here