Thursday, August 21, 2025

Soomaaliya oo khatar ugu jirta inay lumiso $500 Milyan oo gargaar ah

Muqdisho (Dawan) – Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa ku eedeeyay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ku guuldarreystay maareynta gargaarka caalamiga ah, isagoo sheegay in ku dhowaad nus bilyan doolar oo deeq lacageed ah dib loo celiyay kadib markii burbureen mashaariic horumarineed.
Khudbad uu si kulul u jeediyay Talaadadii ayuu Khayre ku sheegay in inta badan mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya loogu qoondeeyay hay’adaha caalamiga ah ay fashilmeen, isagoo sababta ku tilmaamay awood la’aanta iyo daahfurnaanta xukuumadda. Wuxuu uga digay in guuldarradan ay wiiqday kalsoonidii caalamiga ahayd ee lagu qabay hoggaanka Soomaaliya.
“Waxa intaas ka sii murugo badan waa in inta badan mashaariicdii horumarineed ee Soomaaliya loogu talagalay ay fashilmeen, sababtuna tahay awood la’aanta iyo daahfurnaanta dowladda. Natiijadu waxay noqotay in ku dhawaad nus bilyan doolar oo deeq ah dib loo celiyo,” ayuu yiri Khayre.
Khayre ayaa sheegay in arrintani ay muujinayso nuglaanta Soomaaliya ee ku tiirsanaanta gargaarka shisheeye, iyadoo 67% miisaaniyadda qaranka ay maal-geliyaan deeq bixiyeyaasha caalamiga ah. Wuxuu ku dooday in musuqmaasuqa iyo maamul xumadu dhaawaceen sumcadda Soomaaliya, xilli ay dalka ka taagan yihiin baahi bani’aadamnimo iyo amni oo degdeg ah.
Hoggaamiyahan mucaaradka ah, hormuud ka ahaa dib-u-habaynta muddadii uu xilka hayey waxa uu ka digay in dib ula noqoshada dhaqaalaha ay sii kordhin karto culayska dhaqaale ee Soomaaliya, isla markaana ay xaddidayso adeegyada muhiimka ah. Wuxuu ku adkeystay in shacabka Soomaaliyeed ay “u qalmaan wax ka wanaagsan” isagoo ugu baaqay isla xisaabtan dhab ah oo ku saabsan maamulka gargaarka iyo hantida dadweynaha.
Dawan Africa ayaa la xiriirtay Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo Wasaaradda Maaliyadda si ay uga jawaabaan eedeymaha, balse illaa iyo hadda jawaab kama aysan bixin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here