Thursday, August 21, 2025

Madaxweynaha Somaliland oo Burco ka Daah-furay Mashaariic Horumarineed

Burco (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro,” ayaa Arbacadii ka daah-furay mashaariic horumarineed magaalada Burco, kuwaas Madaxtooyada ku tilmaamtay kuwa oo muujinaya sida Somalialnd ugu heellan tahay dhallinyarada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.


Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray 19 km oo waddooyin cusub oo laami ah, kuwaas oo ay hirgelisay Dawladda Hoose ee Burco si loo fududeeyo isku socodka gaadiidka magaalada. “Waa horumar weyn inaan maanta fureyno 19 km oo laami ah oo Burco dhexdeeda laga sameeyey,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro, isaga oo ammaanay dadaalka maamulka magaalada.


Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dhagax-dhigay dib-u-dhis iyo casriyeyn lagu sameynayo garoonka kubadda cagta Alamsey, kaas oo uu ku tilmaamay goob muhiim ah oo dhallinyarada iyo bulshada Burco ay ku kulmaan.


Intaa waxaa dheer, Madaxweynaha ayaa daah-furay hindise cusub oo maamul-daadejin ah, kaas oo adeegyada muhiimka ah ee maamulka loogu soo dhoweynayo shacabka ku nool gobollada bariga Somaliland. Adeegyadan waxaa ka mid ah baasaboorka, kaadhka dhalashada, liisanka wadista, ruqsadaha ganacsiga, ruqsadda shaqada, iyo shahaadooyinka waxbarashada.


Madaxtooyada Somaliland ayaa ku tilmaamtay hindisahan mid “istiraatiiji ah” oo lagu xoojinayo hufnaanta maamulka, lagu dhimayo kharashaadka iyo waqtiga shacabka uga bixi jiray helitaanka adeegyada, isla markaana lagu xaqiijinayo sinnaanta iyo ka-qaybgalka gobollada dalka oo dhan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here