Thursday, August 21, 2025

La-taliyihii hore ee Amniga Soomaaliya oo ka digay Itoobiya

Muqdisho (Dawan) – Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ayaa ka digay in damaca sii kordhaya ee Itoobiya ee Geeska Afrika uu yahay mid ka tarjumaya “mowqifkeedii taariikheed ee gumaysiga,” taas oo dhalin karta walaac ku saabsan madax-bannaanida Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.

Maqaal uu qoray Arbacadii ayuu Hussein ku xusay in heshiiskii is-afgarad ee muranka dhaliyay ee Itoobiya la gashay Somaliland dabayaaqadii Janaayo 2024 uu qayb ka yahay istaraatiijiyad muddo dheer socotay oo Itoobiya ku muujinaysay saameyn ka baxsan xuduudaheeda. Wuxuu sheegay in Itoobiya aysan hadda ku fidi doonin dagaal ciidan, balse ay u wareegtay xeelado siyaasadeed, cadaadis dhaqaale, iyo xulafo dibadeed.

“Janaayo 2024, Itoobiya waxay qarka u saarnayd inay jebiso madax-bannaanida Soomaaliya iyadoo aan hal xabbad la ridin. Kaliya saxiixa heshiis is-afgarad lala galay Somaliland – oo haatan hakad ku jira – ayaa muujiyay diyaarinta Addis Ababa ee inay dib u qaabayso khariidadda siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo awood la’aanta Muqdisho ee inay ka hortagto,” ayuu qoray Hussein.

Wuxuu ku dooday in jawaabta tabarta yar ee Soomaaliya ka bixisay heshiiskaasi ay muujisay nuglaanta dalka, isaga oo sheegay in Itoobiya ay si fiican ugu adeegatay kala qaybsanaanta gudaha Soomaaliya danaha ay ka leedahay. Sidoo kale wuxuu xusay in Itoobiya isku soo bandhigto inay tahay awood xasilloon, balse ay isla waqtigaas dhaawacayso midnimada dhuleed ee deriskeeda.

Xuseen wuxuu iftiimiyay khataraha ka iman kara damaca Itoobiya ee marin-biyoodka Badda Cas, taas oo wiiqi karta awoodda dhaqaale ee Jabuuti, isla markaana kicisa walaaca amni ee Eriteriyaa, taas oo guud ahaan khatar ku noqon karta xasilloonida gobolka.

Isagoo soo gunaanaday, ayuu ku adkeeyay in Soomaaliya aanay ka badbaadi karin xaaladda hadda taagan haddii aan la xoojin maamulka iyo midnimada. Wuxuu ku digay: “Soomaaliya way ka cawataa; Itoobiya way xisaabisaa. Halista ugu weyn ma aha oo keliya in Soomaaliya dhul lumiso, balse in khasaarahaas uu noqdo caado laga aqbalo gobolka.”

Waxaa xusid mudan in Itoobiya ay Janaayo 2024 la gashay Somaliland heshiis is-afgarad muran dhaliyay, kaas oo siinayay Addis Ababa marin badeed ku-meelgaar ah, halka Somaliland ay ka heli lahayd fursad aqoonsi siyaasadeed.

Tallaabadaas ayaa caro xoog leh ka dhalisay Muqdisho, oo ku tilmaantay heshiiska inuu yahay mid jebinaya madax-bannaanida Soomaaliya. Inkasta oo hirgelintiisu hakad gashay, haddana waxay iftiimisay tabar darrida diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo damaca sii kordhaya ee Itoobiya ku leedahay gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here