Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ku gooddiyey in dowladda ay si adag uga jawaabi doonto caqabadaha kaga iman kara mucaaradka, isaga oo adeegsanaya oraahda “Yahuud maa tihiin,” oo ah eray siyaasadeed culus oo lala xiriiriyo dibadbaxyadii rabshadaha watay ee dhacay 2021-kii, xilligii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isku dayey inuu muddo xileedkiisa kordhisto.
Wasiirka oo ka hadlayey magaalada Muqdisho habeennimadii Khamiista ayaa yiri:
“Nin qori ku qaadan kara magaalada ma jiro. Caawa anigoo Wasiirka Gaashaandhigga ah waxaan leeyahay: Muqdisho dhexdeeda nin qori ku qaadan kara ma jiro. Cid kasta oo isku dayda waxaa lala hor imaan doonaa — ‘Yahuud maa tihiin?’ Bootadaas waa dhammaatay.”
Hadalkan wasiirka ayaa dib u xusuusiyey dhacdooyinkii April 2021, markii ciidanka ammaanka ay rasaas ku fureen dibadbaxyo mucaaradku hoggaaminayeen, taas oo ku qasabtay siyaasiyiin mucaarad ah inay ka cararaan magaalada. Inta lagu jiray dhacdadaas, siyaasi magangelyo ka dalbaday goob ganacsi oo albaabbada loo diiday ayaa ku qayliyey oraahdii caan baxday ee “Yahuud maa tihiin” — oo micnaheedu yahay “miyadan naxariis lahayn?”
Adeegsiga oraahdan ee wasiirka ayaa loo fasirtay in dowladda ay diyaar u tahay inay qaadato mowqif aan tanaasul lahayn oo ay ku wajahayso mucaaradka maanta, arrintaas oo la filayo inay dib u huriso dood siyaasadeed, isla markaana soo nooleeyso xusuustii qalafsaneyd ee qalalaasihii 2021.