Muqdisho (Dawan ) – Hawlgal ciidan oo socday laba todobaad oo lagu beegsanayay Daacish-Soomaaliya ayaa lagu soo gebagebeeyay Puntland 23-kii Agoosto 2025, sida ay sheegay Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) oo la kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sida uu sheegtay taliska AFRICOM, hawlgalku wuxuu ka koobnaa duqeymo cirka ah oo lagu qaaday goobaha lagu tilmaamay inay yihiin saldhigyada hoggaanka Daacish ee Buuraha Golis, oo muddo dheer hoy u ahaa kooxda.
Jenaraal Dagvin Anderson, Taliyaha AFRICOM, ayaa sheegay in duqeymadu qayb ka ahaayeen dadaallada lagu difaacayo danaha Mareykanka iyo Soomaaliya ee khataraha kooxdaan. Waxa uu xusay in hawlgalku muujinayo iskaashi sii socda oo dhanka amniga ah oo u dhexeeya Washington iyo Muqdisho.
“Duqeymahan dhimashada leh waxay muujinayaan go’aankeena iyo ballanqaadkeenna in aan sugno amniga Mareykanka iyo saaxiibadeena si looga hortago khatarta argagixisada caalamiga ah,” ayuu yiri Jenaraal Dagvin Anderson. Isagoo intaas ku daray in hawlgalku ahaa mid “si wanaagsan loo qorsheeyay oo wadajir ula fuliyey ciidamada Soomaaliyeed.”
AFRICOM ma shaacin tirada khasaaraha ama burburka ka dhashay hawlgalka, iyadoo lagu sababeeyay arrimo la xiriira amniga howlgalka.
Duqeymahan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan AFRICOM uu yeeshay taliya cusub. Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa ku sugan buuraleyda Puntland, halkaas oo dagaallo culus ay weli ka socdaan.
Mareykanka ayaa door weyn ku leh la-dagaallanka kooxdan, isagoo ka mid ah saaxiibada ugu muhiimsan ee amniga Soomaaliya, kana qeyb qaata tababbarro ciidan, taageero sirdoon iyo duqeymo cirka ah oo lagula dagaallamo xagjiriinta.