Wednesday, August 27, 2025
Array

Midowga Yurub oo bixiyay $238,000 si loo xakameeyo gowracatada Soomaaliya

Muqdisho (Dawan) – Midowga Yurub (EU) ayaa ku dhawaaqay qiyaastii $238,000 oo gargaar degdeg ah si loo taageero ka jawaabista cudurka gowracatada (Diphtheria) ee Soomaaliya, iyadoo xoogga la saarayo Puntland. Gargaarkan ayaa lagu fulin doonaa muddo lix bilood ah, waxaana hirgelin doona Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS).

Sida uu sheegay Midowga Yurub, taageeradan ayaa lagu xoojin doonaa adeegyada caafimaadka, kor loogu qaadi doonaa kormeerka cudurrada, lana ballaarin doonaa wacyigelinta bulshada meelaha uu cudurku saameeyay. In ka badan 508,000 oo qof oo ku nool Puntland ayaa la filayaa inay ka faa’iidaystaan.

Midowga Yurub ayaa qoraal uu soo dhigay X ku yiri: “Taageerada aan siinayno @SRCS waxay xoojin doontaa adeegyada caafimaadka, waxay horumarin doontaa kormeerka cudurrada iyo wacyigelinta bulshada, iyadoo la gaari doono in ka badan 508,000 qof oo nugul oo ku nool Puntland.”

Ku dhawaaqista Midowga Yurub ayaa ku soo beegantay warbixin ay OCHA soo saartay 20-kii bishan, taas oo lagu sheegay in Soomaaliya ay diiwaangelisay 1,672 kiis oo cudurka gowracatada looga shakisan yahay iyo 87 dhimasho sanadkan 2025, taasoo ka dhigan heer dhimasho oo gaaraya 5.4%.

Puntland, oo kamid ah meelaha ugu daran ee uu cudurku saameeyay, ayaa cudurkan laga soo sheegay bishii June 2025, xilligaas oo digniin hore laga bixiyay faafitaanka xanuunka.

Warbixinta OCHA waxay iftiimisay in carruurtu yihiin kuwa ugu badan ee uu cudurku saameeyay, iyadoo 79% kiisaska ay yihiin carruur ka yar 15 sano. Sidoo kale, 87% bukaannada la diiwaangeliyay aanay lahayn taariikh tallaal. Tirada kiisaska sanadkan ayaa afar jeer ka badan intii la diiwaangeliyay isla muddadan sannadkii 2024.

Warbixinta ayaa sheegtay in tirada ugu badan laga soo sheegay Banaadir (660 kiis, 49 dhimasho) iyo Puntland (704 kiis, 28 dhimasho). Galmudug ayaa xaqiijisay 101 kiis iyo 6 dhimasho, halka Koonfur Galbeedna ay soo sheegtay 166 kiis iyo 3 dhimasho.

Cudurka gowracatada, oo ay sababto bakteeriyada Corynebacterium diphtheriae, ayaa saameeya dhuunta iyo habka neefsashada, waxaana uu sababi karaa caabuq daran haddii aan la daaweyn. Haddii aan si degdeg ah loo daaweyn, cudurka wuxuu keeni karaa nafaqo-xumo iyo dhibaatooyin wadne.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here