Wednesday, August 27, 2025

Maxaa Sababay Kala Qeybsanaanta Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed?

Muqdisho(Dawan )-Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa wajahday kala qeybsanaan siyaasadeed kadib markii qaar ka mid ah xubnaha madasha ay heshiis la gaareen Dowladda Federaalka, halka xubno kalena ay ka biyo diideen in ay qeyb ka noqdaan heshiiskaas.

Daahir Maxamuud Geelle, oo warbaahinta Dawan u xaqiijiyay in uu weli yahay Afhayeenka Madasha Samatabixinta, ayaa sheegay in madashu ay ku kala qeybsameen arrimaha la xiriira Cutubka 4aad ee Dastuurka.
Afhayeenka oo wareysi gaar ah siiyay Dawan ayaa sheegay in garabka dowladda Soomaaliya la heshiiyay – oo uu isagu ka mid yahay – ay miiska wada-hadalka soo dhigeen arrimo ay ka mid yihiin:

• In laga laabto qodobada dhigaya in madaxweynuhu ku yimaado doorasho qof iyo cod ah.
• In Ra’iisul Wasaaruhu noqdo mid uu Madaxweynaha xilka ka qaadi karo.
• Iyo in xisbiyada dalka lagu soo kobo seddex oo keliya.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in 70% looga tanaasulay doodii ay ka qabeen Cutubka 4aad, taas oo uu ku tilmaamay guul weyn oo ay gaareen garabka dowladda la heshiiyay.
Geelle ayaa sheegay in heshiiska ay la gaareen dowladda uu yahay mid lagu ilaalinayo midnimada dalka isla markaana looga fogaanayo wax walba oo dhaawacaya xasilloonida umadda.

70% lambar weyn waaye, guul weyn aa joogta marka waxa aad rabto ay 70% meel maraan. Waayo, wax 100% ah oo siyaasadda aad meel marin karto ma laha. Masaaliix isdiidan oo la maareynayo waaye dowladnimada. Marka, masaalixdaas haddii 70% leysla gaaray — kasii badan ayaanba ka aaminsanahaye — waxay nala ahayd in ay tahay meel laga duuli karo. Laakin saaxiibadeen waxay ayaga u arkayeen in cutubka dhamaantiis meesha laga saaro,” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Sida uu sheegay Gelle garabka kale ee mucaaradka ah ayaa dhankooda miiska wadahadalka soo dhigay in gabi ahaanba laga laabto Cutubka 4aad, taas oo noqotay jidkii ay ku kala hareen madasha.
25-ka Agoosto, garab ka mid ah xubnaha la baxay Madasha Samatabixinta ayaa heshiis la gaaray Dowladda Federaalka. Heshiiskaas waxaa ka mid ahaa qodobbadan:

• In Baarlamaanka Federaalka uu doorto Madaxweynaha JFS, sidoo kale in Golayaasha Wakiilada ee dowlad-goboleedyadu ay doortaan Hoggaamiyeyaasha iyo hoggaamiye ku-xigeennada dowlad-goboleedyada.
• In Madaxweynaha uu leeyahay awoodda uu ku magacaabo Ra’iisul Wasaaraha JFS, isagoo ansixin ka helaya Golaha Shacabka, kalsooni-dana kala noqon kara.

• In ururkii ka hela ugu yaraan 10% xubnaha Baarlamaanka Federaalka uu noqonayo xisbi qaran.
• In habka doorashada dalka lagu saleeyo Xeerka Doorashooyinka 2024, iyadoo la tixgalinayo qodobada war-murtiyeedkan ku xusan

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here