Thursday, August 28, 2025

Turkiga oo xoojinaya nidaamyadiisa difaaca cirka

Istanbul (Dawan) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in waddan kasta uu yeesho nidaam difaac oo cirka ah gaar ahaan mid gudaha lagu farsameeyo, isaga oo sheegay in aan la heli karin mustaqbal amni oo lagu kalsoonaado iyadoo aan la lahayn awood difaac u gaar ah.

Erdogan oo ka hadlayey xafladdii dhagax-dhigga shirkadda difaaca Aselsan ee Ankara ayaa sheegay in nidaamka cusub ee Steel Dome uu astaan u yahay isbeddel weyn. “ma jiro dal aan lahayn nidaam difaac oo cirka u gaar ah oo si kalsooni leh mustaqbalka u qaabeyn kara marka la eego caqabadaha maanta jira” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in saddex nidaam difaac oo dhexdhexaad ah oo HISAR ah iyo 21 gaari taageero ahi lagu darayo awoodda ciidan ee dalka, taas oo xoojinaysa awoodda Turkiga ee ka hortagga hanjabaadaha.

Erdogan ayaa carrabka ku adkeeyay in Turkiga uusan kaliya diiradda saareyn difaaca qaranka, balse uu diyaar u yahay in uu nidaamyada warshadaha difaaca la wadaago “saaxiibada iyo xulafada,” taas oo kordhinaysa saamaynta diblomaasiyadeed ee Ankara.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here