Thursday, August 28, 2025

Hanti-dhawrka oo dhisay guddi kormeerayo Barnaamijka Baxnaano

Muqdisho (Dawan ) – Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya (OAG) ayaa ku dhawaaqay in la dhisay guddi farsamo oo kormeera Barnaamijka Kaalmada Lacageed ee Baxnaano oo qiimihiisu gaarayo $153 milyan, kaddib markii warbixintiisa maaliyadeed ee 2024 ay shaacisay farqi weyn oo ku saabsan hufnaanta kaas oo tuhun dhaliyey.


Sida uu sheegay OAG, go’aankaasi wuxuu ka soo baxay kulan Arbacadii ka dhacay Muqdisho oo ay ka qayb galeen masuuliyiin ka socday Xafiiska Hantidhowrka, Xafiiska Xisaabiyaha Guud iyo Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP). Doodaha kulanka ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha la xiriira xogta ka-faa’iideystayaasha oo aan la wadaagin iyo xaqiijin la’aanta lacagaha la bixiyey ee ku jira barnaamijka uu maalgeliyo Bangiga Adduunka, kaas oo taageera in ka badan 200,000 qoys Soomaaliyeed.


“Hantidhowrka Guud, Xisaabiyaha Guud iyo WFP waxa ay isla qaateen in la dhiso guddi farsamo, oo ay ku jiraan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, si ay uga shaqeeyaan wadaagista xogta ka-faa’iideystayaasha Barnaamijka Baxnaano iyo hirgelinta talooyinka Hantidhowrka Guud.” Ayaa lagu yiri Qoraalka OAG


Xafiiska ayaa xaqiijiyay in guddigan loo xil saaray inuu soo jeediyo talooyin ku saabsan xog wadaagga ka-faa’iideystayaasha, dejiyo heerar adag oo warbixin ah, isla markaana hubiyo in talooyinka ku xusan warbixinta 2024 si buuxda loo dhaqan geliyo.


Sida uu sheegay Xafiiska , Madaxa WFP ee Soomaaliya El Khidir Daloum Mohamud Ahmed ayaa kulanka ka jeediyay sharaxaad ku saabsan nidaamka xakamaynta gudaha ee hay’adda, isagoo muujiyay in WFP ay diyaar u tahay inay la shaqeyso hay’adaha dowladda Soomaaliyeed.
Ku dhawaaqista guddigan waxay timid maalmo kaddib markii warbixinta maaliyadeed ee 2024 ee Xafiiska Hantidhowrka ay soo bandhigtay walaac culus oo ku saabsan kormeerka Barnaamijka Baxnaano.


Warbixintu waxay sidoo kale xustay in heshiiskii wax-ka-beddelka ahaa ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo WFP – oo la rabay inuu ku jiro qodob ku saabsan wadaagista xogta – aan si rasmi ah loogu diiwaan gelin OAG, taas oo dhalisay walaac dheeri ah oo ku saabsan dhinacyada sharci iyo kormeer maaliyadeed.


Xafiiska Hantidhowrka ayaa carrabka ku adkeeyay in inkastoo Baxnaano uu yahay barnaamijka ugu weyn ee kaalmo bulsho ee Soomaaliya, hadana baaxaddiisa awgeed uu u baahan yahay kormeer adag si loo hubiyo in lacagahaas ay gaaraan qoysaska loogu talagalay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here