Thursday, August 28, 2025

Soomaaliya oo Bilaabaysa Nidaamka Dal-ku-galka Dijitaalka ah (E-VISA) laga bilaabo Sebteembar 2025

Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay hirgelin doonto nidaamka dal-ku-galka elektaroonigga ah (E-VISA/ETAS) laga bilaabo 1-da Sebteembar 2025, sida ay sheegtay Khamiistii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. Nidaamkan ayaa u oggolaanaya socdaalayaasha shisheeye in ay fiisaha si online ah uga dalbadaan bogga hay’adda.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in adeeggan cusub uu yareyn doono waraaqaha, dedejin doonto waqtiga habaynta codsiyada, isla markaana ay fududeyn doonto la socodka dadka soo galaya dalka. Hay’addu waxay xustay in qaabkan cusub uu Soomaaliya la jaanqaadi doono dalalka kale ee adeegsanaya nidaamyada dal-ku-galka elektaroonigga ah.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda, Mustafa Duhulow, ayaa ku tilmaamay hirgelinta nidaamkan tallaabo muhiim ah oo lagu casriyeynayo adeegyada socdaalka. Wuxuu sheegay in E-VISA-du ay sidoo kale xoojin doonto amniga iyo in lacagaha fiisaha si hufan loo ururiyo.
“Barnaamijkan wuxuu si toos ah uga qeyb qaadanayaa amniga dalka, isagoo noo suuragelinaya inaan xogta qofka ogaanno inta uusan Soomaaliya soo gelin,” ayuu yiri Duhulow.
Isaaq Xasan Takow, Agaasimaha Waaxda Ajaanibta iyo Soo-gelitaanka, ayaa sheegay in shaqaalaha la tababaray si ay u maareeyaan codsiyada nidaamka cusub.
Hay’addu waxay caddeysay in dadka qaarkiisa laga dhaafayo dal-ku-galka elektaroonigga ah oo sida diblomaasiyiinta, dadka deggan dalka, dadka wata dal ku-gal badan, dadka wata dukumiintiyada safarka ee Qaramada Midoobay ay bixiso, iyo muwaadiniinta dalalka heshiiska dal-ku-gal la’aanta ah la leh Soomaaliya.
War-saxaafadeedka Hay’adda ayaa lagu adkeeyey in nidaamka E-VISA-da la filayo inuu xoojiyo qaabka amniga Soomaaliya, kordhiyo dakhliga dowladda, isla markaana fududeeyo isu-socodka caalamiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here