Monday, September 1, 2025

Itoobiya oo gashay heshiis Maalgashi oo warshad Bacriminta ah

ADDIS ABABA(Dawan) – Hay’adda Maalgashiga Itooobiya ayaa ku dhawaaqay inay kala saxiixdeen heshiis wada-shaqeyn oo saami qeybsi  ah shirkadda reer Nayjeeriya ee Dangote Group Khamiistii, si loogu dhiso warshad bacrimin ah (urea fertilizer) oo laga hirgelinayo magaalada Godey ee Gobolka Soomaalida Itoobiya.

Sida ay sheegtay Hay’adda, mashruuca waxaa lagu qiimeeyay $2.5 bilyan, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah maalgashiyada warshadeed ee ugu waaweyn taariikhda Itoobiya, iyadoo la qorsheeyay in la dhammaystiro muddo 40 bilood gudahood marka la bilaabo. Heshiiska ayaa dhigaya in  Hay’adda ay haysan doonto 40% saamiga, halka Dangote Group uu yeelan doono 60%.

Hay’adda waxay sheegtay in warshaddu yeelan doonto awood soo saar oo gaaraysa illaa saddex milyan oo tan sanadkiiba, taas oo ka dhigaysa xarunta Godey mid ka mid ah shanta xarumood ee ugu waaweyn ee bacriminta nuucaan ah ee adduunka. Mashruuca waxaa ku jira dhisidda dhuumo gaaska ka keeni doona ceelasha Hilala iyo Calub, iyo sidoo kale kaabayaal kaydin iyo gaadiid.

Hay’adda maalgashigu waxay intaas ku dartay in heshiiska uu sidoo kale oggolaanayo ballaarin iyo wax-ka-beddel mustaqbalka ah oo ku saabsan soo saarista bacriminta kale ee ku saleysan ammonia, sida ammonium nitrate, ammonium sulfate iyo calcium ammonium nitrate.

Hay’adda ayaa intaas ku dartay in warshaddu ay yarayn doonto ku-tiirsanaanta Itoobiya ee bacrimin laga soo dejiyo, abuurto kumannaan shaqo oo toos iyo dadban ah, isla markaana xoojiso amniga cuntada ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee X, ayaa heshiiskan ku tilmaamay tallaabo wax ka beddel ah oo dhinaca beeraha ah:“Waxaan bilownay safarkan, waana dhammeystiri doonaa — beeraleyda, dhaqaalaha, iyo mustaqbalka Itoobiya ayaana loogu talagalay.”

Hay’adda ayaa sheegtay in beeruhu shaqaaleeyaan in ka badan 70% shacabka Itoobiya, helitaanka bacrimin la soo saaro gudaha dalkana uu kordhin doono wax-soo-saarka, hagaajin doono dakhliga beeraleyda, isla markaana kor u qaadi doono awoodda dhoofinta.

Mashruucu wuxuu sidoo kale taageeri doonaa isku-xirka gobolka, isagoo bacrimin siin doona dalalka dariska ah, si loo dhimo kharashaadka soo dejinta loona kordhiyo wax-soo-saarka beeraha guud ahaan Bariga Afrika.

Dangote Group waa shirkadda warshadeed ee ugu weyn qaaradda Afrika, oo ka howlgasha qeybaha sibidhka, bacriminta, kiimikada iyo warshado kale oo muhiim ah oo ku kala yaalla qaaradda oo dhan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here