Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Laascaanood
Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, oo loo yaqaan Firdhiye, ayaa loo doortay Madaxweynaha dowlad-goboleedka Woqooyi Bari kadib markii uu kaga guuleystay Cabdirisaaq Khaliif Axmed wareeggii labaad ee codbixinta oo Sabtidii ka dhacay Golaha Wakiillada. Firdhiye ayaa hogaamin doona dowlad goboleedka cusub 5-ta sano ee soo socoto.
Beledweyne
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Cabdulkadir Xuseen Cumar ayaa ammaanay Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) doorkiisa ku aaddan xasilinta iyo nabadeynta dalka, intii lagu guda jiray booqasho uu ku tegay ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan, sida ay sheegtay AUSSOM.
Muqdisho
Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ku kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan wadatashi siyaasadeed, sida ay ku shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya.
Masar
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, 94 kalena waa ay ku dhaawacmeen maanta oo Sabti kadib markii tareen rakaab ah uu ka baxay wadada gobolka Matrouh ee waqooyiga Masar, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka.