Friday, September 5, 2025
Array

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka soo laabtay safarkii dibadeed ee ugu dheeraa.

Muqdisho (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ku soo laabtay Muqdisho kadib safar shaqo oo 12 maalmood qaatay, kaas oo noqday safarkii ugu dheeraa ee uu dibad shaqo ugu maqnaado tan iyo markii uu xilka qabtay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa 24-kii Agoosto 2025 ka dhoofay Muqdisho, isagoo dalka Shiinaha uga qeyb galay Shirka 7aad ee China–Arab States Expo. Intii uu joogay madasha, Xamse wuxuu qeyb ka noqday doodo ku saabsan xoojinta iskaashiga dhaqaale ee Shiinaha iyo dalalka Carabta.

Kadib booqashadiisa Shiinaha, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa safar rasmi ah ku tegay Serbia, halkaas oo ay Soomaaliya heshiis Caafimaad kula gashay Serbia. Mas’uuliyiinta ayaa ku tilmaamay heshiiska mid muhiim u ah hagaajinta adeegyada caafimaadka ee Soomaaliya, oo weli wajahaya caqabado badan.

Safarkan 12-ka maalmood ah ayaa noqday kii ugu dheeraa ee uu Xamse sameeyo tan iyo markii uu xilka qabtay, safarradii hore ee dibadeedna badanaa waxay ku koobnaayeen toddobaad ka yar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here