Saturday, September 6, 2025

Booliska Somaliland oo xirey eedeysane dil ka geystay DDS

HARGEISA (Dawan) – Booliska Somaliland ayaa Jimcihii sheegay in ay xireen nin lagu eedeeyay inuu dil ka geystay magaalada Tog Wajaale dhinaca Dowlad Deegaanka Soomaalida ka dibna uu u soo fakaday dhinaca Somaliland.

Taliyaha qeybta Booliska Gabiley, Cismaan Xaashi Daahir, ayaa Sheegay in eedeysanaha Mustafe Mahdi Daheeye la qabtay Jimcihii galabnimadii, ka dib markii lagu raad joogay tan iyo dhacdadii.

Warbixinta booliska ayaa tilmaamaysa in Mustafe uu 3-dii bisha September ku dilay Maxamed Iimaan dhanka Itoobiya ee Tog Wajaale, kadibna uu u soo baxsaday dhinaca Somaliland. Ciidamada ayaa sheegay in hadda lagu hayo saldhigga degmada Gabiley iyadoo baaritaanno socdaan. Ujeedada ka dambeysa dilka weli lama oga.

Tog Wajaale waa magaalo xuduudeed ku taalla dhanka u dhexeeya Somaliland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Dhinaca Somaliland, waxay hoos timaadaa Gobolka Gabiley, halka dhinaca Itoobiya ay ka tirsan tahay Deegaanka Soomaalida.

Magaaladu waxay leedahay muhiimad dhaqaale oo weyn, iyadoo ah marinka ganacsi oo isku xira Dekedda Berbera iyo Itoobiya. Is-dhexgalka bulshada iyo ganacsiga ayaa ka dhigay Wajaale meel firfircoon, balse sidoo kale waxay noqotaa goob ay ka dhacaan isku dhacyo iyo dambiyo xuduudeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here