Saturday, September 6, 2025
Array

NISA oo 12 AS ah ku dishay howlgal ka dhacay Galguduud.

Galguduud (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, oo u dhexeeya Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee gobolka Galguduud.

Warkaan oo lagu baahiyay Warbaahinada ku hadla afka dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, oo ay ku jiraan horjoogayaal, halka 13 kalena dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay. Bartilmaameedka howlgalka ayaa lagu sheegay inuu ahaa xarun ay kooxdu ku diyaarinayeen in ka badan 400 oo dagaalamayaal ah oo weerarro qorsheynayay fulin rabay.

Dowladda ayaa intaas ku dartay in ciidamadu ay sidoo kale burburiyeen agab iyo xarumo ay Al-shabaaab ku adeegsanayeen abaabulka wareerarada.

Howlgalka Ceel-dhiiqo Weyne ayaa qeyb ka ah dagaaladda socda ee dowladda Federaalka iyo saaxiibada caalamka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab, iyadoo dowladda ku celcelisay inay ka go’an tahay dagaalka ay dalka ugu saareyso Al-shabaab iyo Daacish.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here