Saturday, September 6, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo weli xiran xilli uu dhammaaday fasaxi

Muqdisho (Dawan Africa) – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa weli xiran inkastoo fasaxiisii rasmiga ahaa uu dhammaaday in ka badan laba toddobaad ka hor, arrintan ayaana dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan sababta hakadka dheeriga ah.

War-saxaafadeed ay bishii Juun soo saareen Guddoonka Labada Aqal ayaa lagu sheegay in kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11-aad la xirayo 22-kii Juun, lana dib u furayo 22-ka Agoosto 2025. Hase yeeshee, muddo 15 maalmood dheeraad ah ayaa ka soo wareegtay tan iyo waqtigaas, iyadoo kulamadii caadiga ahaa aan weli dib loo bilaabin.

Ilaa hadda, guddoonka Golaha Shacabka kama aysan bixin sabab rasmi ah oo sharxaysa sababta fasaxa dheeriga ah loo kordhiyay.

Arrintani waxay ku soo beegmaysaa xilli Baarlamaanka laga filayo inuu ka doodo sharciyo iyo heshiisyo muhiim ah oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, iyo sidoo kale afarta cutub ee Dastuurka oo dib-u-eegis iyo dhameystir lagu samayey, taas oo ka dhalatay heshiis ay wada gaareen xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo Villa Somalia.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here