Sunday, September 7, 2025

WHO oo ka digtay xaalad macluul oo ka taagan Sudan

Khartoum (Dawan ) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa Sabtidii ka digay in Sudan ay wajahayso xaalad bini’aadannimo oo aad u daran, iyadoo abaaro iyo gaajo laga xaqiijiyay deegaano badan oo dalka ka tirsan.

WHO ayaa sheegtay in hay’addu ay taageerto 142 xarumood oo caafimaad, kuwaas oo ilaa hadda daaweyn u fidiyay in ka badan 20,000 oo carruur ah oo la ildaran nafaqo-xumo daran.

Tedros ayaa intaa ku daray in cudurka shuban-biyoodka (cholera) uu ku faafay dhammaan 18-ka gobol ee dalka, iyadoo tirada kiisaska la diiwaangeliyay ay dhaaftay 105,000, halka dhimashadu gaartay 2,600 qof.

Xaaladda ugu daran waxay ka taagan tahay Gobolka Darfur Waqooyi, gaar ahaan magaalada El-Fasher oo go’doon ku jirtay muddo ka badan 500 maalmood. Agaasimaha WHO ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo furo marin bini’aadminimo oo badbaado leh, si loo daboolo baahiyaha caafimaad ee degdegga ah iyo in la badbaadiyo nolosha dadka ku go’doonsan magaalada.

Digniintaan ayaa imaanaysa iyadoo dagaalka u dhaxeeya ciidanka Sudan iyo kooxaha paramilitary-ga Rapid Support Forces (RSF) uu sii baabi’inayo dalka. Wararka maxalliga ah ayaa sheegay in rasaas ay fureen RSF ay dishay 18 qof oo rayid ah, halka in ka badan 100 qof ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bini’aadminimo (OCHA) ayaa Sudan ku tilmaamay “Waddanka ugu weyn ee dunida ee ay abaaruhu saameeyeen.” Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in gaarsiinta gargaarka ay si weyn u xannibeen amni-darro iyo caqabado dhanka waddooyinka ah.

Dagaalka oo qarxay Abriil 2023 ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale, taas oo sii xoojisay xaaladda macluusha iyo cudurrada dalka ka jira.

Isha:Wakaalada Anadolu.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here