Jigjiga (Dawan) – Cabdiqani Daahir Sheekh, isku-duwaha, abaabulka iyo ka qaybgalka mashruuca Biya xireenka Itoobooya ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, ayaa sheegay in shacabka deegaanka ay muddadii 14 sano ee mashruuca biyo-xireenka socday ku darsadeen lacag dhan $400 milyan.
Isagoo ka hadlayay kaalinta shacabka deegaanka, ayuu sheegay in mashruucu marar badan istaagay ama dib u dhacay, balse shacabku had iyo jeer ay diyaar u ahaayeen taageero, xitaa marka aysan hayn lacag caddaan ah, xoolo nool ku darsan jireen si ay uga qayb qaataan.
Sida uu sheegay mas’uulka Kaliya sanadkan, dowlad deegaanka waxa uu ku darsaday $80 milyan. Taas uu ku tilmaamay fahamka shacabka deegaanka oo ah mid aad u sareeya, iyagoo garwaaqsaday muhiimada mashruuca.
“Abaabulkii iyo ka qaybgalku aad buu u fiican, shacabkeenu shacab fahankiisu sarreeyo waaye markii loo yeero aad bay ugu qayb qaataan. heerka ka qeybgalka wuxuu gaari jiray marka degmooyinka magaalooyinka hoose la gaaro shacabweynuhu aad bay ugu qayb qaadan jireen weliba marka aysan lacag hayn xoolaha nool ayay kaga qeyb qaadan jireen,” ayuu yiri Cabdiqani.
Mashruuca Biyo-xireenka Abay (Grand Ethiopian Renaissance Dam – GERD) oo qiimihiisu ku kacay in ka badan $4 bilyan, ayaa ah mashruuca ugu weyn ee koronto-dhalinta Afrika. Waxaa maalgelintiisa badankeed bixiyay shacabka Itoobiya, iyadoo bulshada Deegaanka Soomaalida lagu tilmaamay inay door muuqda ka qaateen dhismahaas taariikhiga ah.