Addis Ababa (Dawan) – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa ku baaqay in Masar, Suudaan iyo Itoobiya ay dib u bilaabaan wadahadallo ku saabsan maaraynta biyaha Webiga Niil iyo Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-soo-kicinta Itoobiya (GERD), isagoo xusay baahida loo qabo diblomaasiyad si loo xalliyo xiisadaha jira.
Isagoo ka hadlayay xafladdii furitaanka biyo-xireenka Talaadadii, Maxamuud wuxuu sheegay inuu tixgelinayo walaacyada Masar iyo Suudaan ee ku saabsan socodka joogtada ah ee biyaha Niil, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda heshiis saddex geesood ah.
“Aniga oo ah Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, waajibaadkayga ayaa ah in aan ka jawaabo walaacyada Masar iyo Suudaan ee ku saabsan socodka aan carqaladda lahayn ee biyaha Niil iyo filashada heshiis saddex geesood ah,” ayuu yiri.
Wuxuu xusay dammaanadda uu bixiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo sheegay in mashruucu “uusan ujeedkiisu ahayn in uu cid waxyeeleeyo,” isagoo ku nuuxnuuxsaday in wadahadalladu yihiin waddada ugu habboon ee lagu wajaho khilaafka.
Maxmuud wuxuu ku baaqay in saddexda dal ay ku dhisaan Heshiiskii Mabaadi’da ee 2015 lagu saxiixay Khartoum, kaas oo dhigay qaab wada shaqeyn ah. Heshiiskii Khartoum ee 2015 waxaa loogu talagalay inuu hago iskaashiga balse ma uusan soo saarin heshiis sharci ahaan waajib ku ah dhinacyada.
“Waxaan ku boorinayaa saddexda dal inay dib u bilaabaan wadahadallo iyo wadaxaajood ku saleysan Heshiiskii Mabaadi’da ee 2015 lagu saxiixay Khartoum. Midowga Afrika wuxuu diyaar u yahay inuu ka caawiyo saddexda dal inay helaan xal nabadeed,” ayuu raaciyay.
Iyadoo GERD hadda si buuxda u shaqeynayo, feejignaanta gobolka ayaa u wareegaysa sida maamulka biyo-xireenka uu u saameyn doono xiriirka saddexda dal. Masar ayaa sii wadda dalabaadka dammaanad qaadka socodka biyaha, Suudaan waxay ku baaqday in si wadajir ah loo hago sii-daynta biyaha, halka Itoobiya ay adkaynayso xaqeeda madaxbannaan ee ka faa’iidaysiga kheyraadkeeda horumarineed.