Wednesday, September 10, 2025

Dabkii Saddexaad oo Bil Gudaheed Ka Kacay Qabuuraha Ambouli.

Jabuuti (Dawan) – Dab cusub ayaa Talaadadii ka kacay qabuuraha Ambouli ee magaalada Jabuuti, isagoo noqday kii saddexaad ee halkaas laga diiwaangeliyo tan iyo bishii Agoosto. Ciidanka Ilaalinta Rayidka ayaa si degdeg ah u xakameeyay dabka, waxaana la xaqiijiyay in aanu jirin wax khasaare naf ah ama burbur wayn oo soo gaaray qabuuraha.

Dabku wuxuu saameeyay keliya qayb yar oo ka mid ah qabuuraha, waxaana goobta booqday mas’uuliyiin dowladeed oo shacabka ku wargeliyay in xaaladdu degan tahay.

Agaasimaha Guud ee Diwaan al-Waqfka, Elmi Nuur Jaamac, ayaa sheegay in dacwad loo gudbiyay booliska maadaama dhacdoodinka ay soo noqnoqdeen, isaga oo tilmaamay in baaritaanka lagu ogaan doono sababaha dhabta ah. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in qabuuruhu yihiin hanti guud oo ay mas’uuliyaddeedu wada saaran tahay bulshada oo dhan.

“Marka la eego soo noqnoqoshada shilalkan, waxaan booliska u gudbinay dacwad ka dhan ah. Waxaan ku kalsoonahay in baaritaanka uu go’aamin doono sababaha. Qabuuraha waa hanti guud, waa mid inaga dhaxaysa dhammaanteen in aan dhowrno.” Ayuu yiri Elmi Nuur Jaamac

Guddoomiye ku-xigeenka degmada 3aad, Haybe Guudid, ayaa ku tilmaamay xaaladda mid aan la aqbali karin, isagoo xusay in qabuuraha ay yihiin goob lagu aasay waalidiin, deris iyo qoysas badan oo bulshada ka tirsan. Wuxuu ugu baaqay shacabka inay muujiyaan wacyigelin iyo feejignaan dheeraad ah.

Kadib daminta dabka, mas’uuliyiintu waxay shacabka ugu baaqeen in ay muujiyaan masuuliyad iyo xilkasnimo si loo ilaaliyo goobtan muhiimka u ah bulshada loogana hortago in dhacdooyinka noocan oo kale ah ay soo noqdaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here