Waxaa qoray Abuukaate Cumar Cabdulle “ Dhagey”
Hordhac
Qoraalkaan sharciyeed wuxuu falanqaynayaa awood-qaybsiga u dhexeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada ee ku saabsan socdaalka iyo jinsiyadda.
Waxa uu sharxayaa saldhigga dastuuriga ah ee awoodaha federaalka, isagoo muujinaya in Dowladda Federaalka u gaar tahay arrimaha ku saabsan madax-bannaanida qaranka, ilaalinta xuduudaha, iyo xiriirka caalamiga ah.
Waxa kale oo uu tilmaan ka bixinayaa kaalinta Dowlad-Goboleedyadu ku leeyihiin fulinta iyo maamulka. Isagoo ka duulaya Dastuurka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya (2012) iyo khibradaha isbarbardhigga ee dalalka ku dhaqma nidaamka federaalka. Qoraalkani wuxuu soo jeedinayaa qaab sharciyeed lagu xaqiijinayo caddeyn, joogteyn, iyo midnimo qaran oo ku saabsan nidaaminta jinsiyadda iyo socdaalka.
- Asalka iyo Mabaadi’da Federaalka
Nidaamka federaalka wuxuu ka kooban yahay laba heer oo dowladeed:
● Dawladda Federaalka oo leh awoodaha guud ee qaranka;
● Dawladda xubnaha federaalka oo leh awoodo maxalli ah.
Hase yeeshee, mabaadi’da caalamiga ah ee federaalka ayaa muujinaysa in awoodaha khuseeya madax-bannaanida qaranka, ilaalinta xuduudaha, iyo xiriirka caalamiga ah ay si gaar ah ugu urursan yihiin heerka Federaalka. - Socdaalka iyo Jinsiyadda
● Jinsiyadda (Citizenship):
o Jinsiyadda waa xaq sharciyeed oo qofka ku xira qaranka oo dhan, ma aha gobol ama deegaan gaar ah.
o Waxaa keliya sharci dejin kara oo nidaamin kara Dawladda Federaalka si looga hortago in qofku noqdo muwaadin hal gobol balse aan laga aqoonin gobol kale ama Dunida.
● Socdaalka (Immigration):
Oggolaashiyaha soo galitaanka, deggenaanshaha iyo ka saarista ajaanibta dalka waa arrin khuseysa ilaalinta xuduudaha qaranka iyo xiriirka dibadda, Sidaa darteed awooddan waxaa yeelanaya oo keliya Dawladda Federaalka, iyadoo Dawlad-goboleedyadu ay kaalin ka qaadan karaan fulinta iyo maamulidda adeegyada maxalliga ah (sida hubinta degenaanshaha, adeegyada bulshada, iwm). - Doorka Dawlad-goboleedyada (Cooperative Role)
Inkasta oo awoodda sharci-dejinta iyo siyaasadda guud ee socdaalka iyo jinsiyadda ay leedahay Dowladda Federaalka, haddana Dawlad-goboleedyadu waxay ka qayb qaadan karaan:
● Gacan ka geeysashada ururinta xogta muwaadiniinta iyo ajaanibta ku nool deegaankooda;
● Fulinta siyaasadaha federaalka ee la xiriira deggenaanshaha iyo adeegyada maxalliga ah;
● Kordhinta is – dhexgalka bulshada (integration policies), sida waxbarashada, caafimaadka, iyo adeegyada bulshada ee dadka ajaanibta ah.
Qodobbada Dastuurka iyo Sharciga ee Khuseeya Socdaalka & Jinsiyadda
Dastuurka KMG ee Federaalka (2012)
Qodobka 8aad. Shacabka iyo Jinsiyadda
Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed waa mid, lamana kala qaybin karo, wuxuuna ka kooban yahay dhammaan muwaadiniinta.
Jinsiyadda Soomaaliyeed waa mid qur ah, sharci gaar ah oo ay soo saaraan Golaha Shacabka ee Dawlada Federaalka Soomaaliyeed ayaana xaddidaya sida lagu helayo, lagu laalayo ama lagu waayayo.
Qof leh jinsiyadda Soomaaliyeed lagama qaadi karo jinsiyadda Soomaaliyeed, xataa hadduu qaato jinsiyad dal kale.
Diidmada, laalista iyo ka-qaadista jinsiyadda laguma xiri karo asbaabo siyaasadeed.
Qodobka 54aad. Kala Qaybinta Awoodaha
Awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoon doona Xukuumadda Federaalka
iyo Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya marka laga reebo:
A) Arrimaha Dibadda;
B) Difaaca Qaranka;
C)Jinsiyadda iyo Socdaalka iyo
D) Siyaasadda Lacagta, oo ay awooddeeda
iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso Xukuumadda Federaalka
4. Isbarbardhig Caalami (Comparative Perspective)
Khibradaha caalamka ee dalalka federaalka ah ayaa si cad u muujinaya in awoodaha jinsiyadda iyo socdaalka lagu ururiyo Dowladda Federaalka, iyadoo dowlad-goboleedyadu ay door ka qaataan oo keliya dhanka maamulka iyo fulinta. Tusaale ahaan, Mareykanka Dastuurkiisa waxa uu si gaar ah ugu xilsaaray dowladda dhexe dejinta sharciyada jinsiyadda iyo socdaalka (U.S. Constitution, Art. I, §8, cl. 4), halka gobolladu ay ku kooban yihiin fulinta iyo taageeridda sharciyada federaalka.
Jarmalka waxa uu ku caddeeyay Grundgesetz (Dastuurka Aasaasiga ah) in jinsiyadda iyo socdaalku yihiin awood federaal oo gaar ah (Art. 73), gobolladuna (Länder) ay kaliya ka qayb qaataan maamulka. Itoobiya, oo leh nidaam federaal qowmiyadeed, waxay Dastuurkeeda ku qeexday in jinsiyadda iyo socdaalku ay yihiin awood gaar ah oo federaal ah (Art. 51(7)), iyadoo dowlad-goboleedyadu aanay sharci dejin karin.
Hindiya sidoo kale waxay ku dartay jinsiyadda iyo socdaalka liiska awoodaha Dowladda Dhexe (Union List), taasoo ka dhigan in keliya dowladda dhexe ay sharci ka dejin karto arrimahan. Sidaa awgeed, qaabka ay Soomaaliya u dhigatay awoodaha jinsiyadda iyo socdaalka waa mid waafaqsan dhaqanka caalamiga ah ee federaalka, wuxuuna dammaanad qaadaa midnimada qaran iyo isku xirnaanta muwaadinnimada.
- Gunaanad
Si waafaqsan mabaadi’da federaalka caalamiga ah iyo Dastuurka KMG ee somaliya, waxaa cad in:
● Awoodda sharci-dejinta iyo siyaasadda guud ee socdaalka iyo jinsiyadda ay ku ururto Dowladda Federaalka;
● Dawlad-goboleedyadu ay yeeshaan kaalmo fulineed oo iskaashi ah oo ku saabsan arrimaha maxalliga ah ee la xiriira muwaadiniinta iyo ajaanibta.
Tani waxay xaqiijinaysaa midnimo qaran, ilaalinta xuduudaha, iyo in muwaadinnimada Soomaaliyeed ay noqoto mid mideysan oo aan lagu kala goynin gobollada.