Thursday, September 11, 2025

Ciidamada Nepal oo Rasaas ku Furay Maxaabiis Isku Dayay Baxsasho

Kathmandu (Dawan) – Ciidamada militariga Nepal ayaa  subaxnimadii maanta rasaas ku furay maxaabiis isku dayay inay ka baxsadaan xabsi ku yaalla gobolka Bagmati, iyadoo la sheegay in ugu yaraan 12 ilaa 13 qof dhaawacmeen. Sida uu sheegay Guddoomiyaha  gobolkaasi

Isku daygan baxsashada ayaa ka dhacay degmada Ramechhap ee gobolka Bagmati, kadib markii maxaabiis badan  ey jebiyeen qufulada gudaha xabsiyadii ey ku xirnaayen , ayna isku dayeen inay xoog ku furaan albaabka weyn ee xabsiga,

“Qiyaastii 12 ilaa 13 maxbuus ayaa dhaawacmay markii ciidamada rasaas ku fureen xilligii ay gaareen albaabka,” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada, Shyam Krishna Thapa.

Xabsiga Ramechhap waxaa ku xiran in ka badan 300  oo maxbuus. Boolisku waxay sheegeen in xaaladdu hadda gacanta lagu hayo isla markaana aysan jirin maxaabiis baxsaday.

Isku dayga baxsashada wuxuu imaanayaa xilli Nepal ay la tacaalayso rabshado waaweyn oo ey  dhalinyaro hoggaaminayaan, kuwaas oo sababay in ku dhawaad 15,000 oo maxbuus ay baxsadaan maalmihii lasoo dhaafay.

Rabshadahan oo lagu naanayso mudaharaadyada “Jiilka Z” ayaa sababay dhimashada 25 qof, halka boqollaal kalena ay dhaawacmeen, taas oo ku qasabtay Ra’iisul Wasaare KP Sharma inuu iscasilay.

Ciidamada militariga ayaa hadda la wareegay amniga dalka oo dhan, iyadoo dowladdii  ku burburtay cadaadiskii dibadbaxayaasha.

Sida ey anadole warisayWaxaa socda wada-tashiyo lagu dhisayo dowlad ku-meelgaar ah oo dalka hoggaamisa ilaa doorashooyin cusub la qabto.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here