Monday, September 15, 2025

City oo ku guuleysatay kulankii 197-aad ee Manchester Derby

Abukar Osman

Manchester City ayaa Axadii garoonkeeda Etihad ku qabtay cashar kale oo kubbadda cagta ah, iyagoo 3-0 ku garaacay Manchester United kulankii 197-aad ee Manchester Derby. Erling Haaland ayaa laba gool dhaliyay halka Phil Foden uu shabaqa furay – iyadoo labada xiddig ay ahaayeen xudunta guusha Pep Guardiola.

Phil Foden ayaa ahaa xiddiga ciyaarta. Waxa uu shabaqa ku furay madax qurux badan kaddib markii Jérémy Doku si hal abuur leh kubbad ugu soo celiyay gudaha xerada ganaaxa. Labadooduba waxay mar kale isu tageen qeybta labaad, Foden ayaa kubbad sixir ah u taabsiiyay Doku ka hor inta uusan u ogolaan Haaland inuu dhaliyo goolka labaad.

Foden waxa uu u muuqdaa inuu dib ugu soo laabtay heerkii sare ee xilli ciyaareedkii ay City ku qaadday horyaalka 2023-24, markaas oo uu ahaa xiddigii ugu wanaagsan Premier League-ga. Go’aankiisii ahaa inuusan England u ciyaarin bishii June ayaa u muuqda mid faa’iido u yeeshay – ciyaartiisii derbiga waxay u noqon kartaa bilaabidda xilli ciyaareed weyn oo cusub.

Norwegian-ka ayaa si xun ugu ciqaabay qalad uu sameeyay Harry Maguire daqiiqaddii 69aad, isagoo dhaliyay goolkiisii labaad oo ciyaarta ka dhigay 3-0 si uu u dhammaystiro guul ay City ku caddeysay awooddeeda.

Manchester United ayaa wali muuqata mid aan lahayn qaab ciyaareed cad. Weeraryahanka cusub Benjamin Šeško wax halis ah ma keenin, mana helin hal kubbad oo gool loo rogi karo ka hor inta aan la beddelin qeybta dambe. Taageerayaal badan ayaa durba ka walaacsan sida uu Ruben Amorim
uga faa’iidaysanayo weeraryahankan ku qiimeysan £73.7m ah.

Luke Shaw, oo kooxda joogay tan iyo 2014, ayaa mar kale muujiyay in waqtigiisa Old Trafford uu dhammaanayo. Dhaawacyo iyo hoos u dhac is xig xiga ayaa ka dhigay difaac lagu qiimeeyo wax ka yar heerkiisa, waxaana muuqata in United aysan weli qorshe u sameynin badalkiisa.

City waxay xasuusisay qof walba sababta loogu yeero kooxda ugu fiican England – isku xirnaan, kalsooni, iyo weerar dilaa ah. Dhanka kale United, waxay u muuqataa koox aan weli laga saarin qaladaadkii xilli ciyaareedkii hore. Haddii ayna si degdeg xal u helin, xilli ciyaareedkooda wuxuu noqon karaa mid kale oo niyad jab leh.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here