Jigjiga (Dawan)-Jigjiga waxaa shalay si rasmi ah looga daah furay Hindisaha horumarinta dadka oo ah barnaamij lagu horumarinayo bulshada, waxaan hogaaminaya xafiiska qorsheynta dowlad deegaanka Soomaalida.
Munaasabadda daahfurka oo ka dhacday Jigjiga waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka xafiiska Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Xuseen Xaashi Qaasim, safiirradda dalalka Yurub qaarkood ee Spain, Norway, Sweden, Belgium, Poland, Portugal, Switzerland, Netherlands Austria iyo safiirka midowga Yurub ee Itoobiya Sofie From-Emmesberger.
Hirgelinta mashruucan waxaa kaalmayn doona deeq-bixiyeyaasha Midowga Yurub.
Wasiirka xafiiska Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Xuseen Xaashi Qaasim oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in hindisahaan lagu bilaabi doono gobolka Faafaan, isla markaana xooga la saari doono horumarinta bulshada iyo sidii hay’adaha dowladda uga qeyb qaadan lahaayeen kobcinta adeegyada dowladda bixiso ee bulshada gaara.
Cumar Faaruuq Xaaji Warfaa, oo ah Wasiirka Xafiiska Qorshaynta DDS, ayaa sheegay in ilaa 70 hay’adood ay ka qayb qaadan doonaan hindisahan, taasoo muujinaysa iskaashi ballaaran oo lagu doonayo in saameyn muuqata lagu yeesho horumarinta bulshada ee gobolka.
“Hindisahaan ujeedkiisu waa in leys waafajiyo mashaariicaha ku lugta leh nabadda, horumarka iyo gargaarka bini’aadantinimo, waana mashaaricaha ay dowladda fuliso” Cumar Faaruuq Xaaji Warfaa.
Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah isku dayada maamulka dowlad deegaanka Soomaalida uu ku doonayo in lagu gaaro horumar waara, horumarinta adeegyada bulshada, iyo xoojinta iskaashiga dhex mara hay’adaha dowladda iyo la-hawlgalayaasha horumarinta.