Muqdisho (Dawan)- Wakaaladda wararka ee Bloomberg ayaa sheegtay in dalalka ku bahoobay Naadiga Paris ay isku raaceen in Soomaaliya laga cafiyo 1.2 bilyan oo dollar oo ah deymaha lagu lahaa, iyadoo la raacayo hannaanka hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka si loo dhimo culayska deynta ee saaran dalka Soomaaliya.
Bloomberg waxa ay tilmaamtay in qiimaha deymaha la go’aamiyay in la cafiyo Soomaaliya in ay ka dhigan tahay 99% wadarta guud ee deyntii ay dalalka Naadiga Paris ay ku lahaayeen Soomaaliya ilaa January 2023.
Naadiga Paris ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayaan qorshaha Soomaaliya ay ku dooneyso in ay ula dhaqanto wadamada kale iyo hay’adaha deyn bixiyayaasha.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in Magaaladda Paris lagu soo gabagabeeyay wada xaajood wakhti dheer qaatay oo u dhaxeeyay Soomaaliya iyo waddamada ku middoobay Naadiga Paris ( Paris club) kuwaas oo Soomaaliya ku leh lacag ka badan 3.1 billion oo doolar.
Wasiirku waxa uu caddeeyay in iyada oo laga duulayo isafgaradka ay gaareen labada dhinac in la saxiixay heshiis lagu dhaafayo dentii ay Soomaaliya ku lahaayeen dalalka Naadiga Paris oo ka kooban toban dal
Biixi ayaa yiri: ” Talaabadani waxay ka dhigantahay in Paris Club ay dhaafeen xaddi dayneed oo ka badan Inta uu ku waajibiyay hannaanka dayn cafiska (beyond HIPC debt relief) ee loo yaqaan HIPC, si loo sugo dhammaystirka hannaankan, waxaa xigi doona heshiisyo gaar gaar ah oo dal kasta lala gali doono si ay si rasmi ah daynta uga masaxaan buugaagtooda”.
Wasiirka Maaliyadda ayaa go’aanka Naadiga Paris ku tilmaamay inuu ka marag kacayo horusocodka joogtada ah ee dadka iyo Dawladda Soomaaliyeed ay ka samaynayaan dawladnimada dhiska, koboca dhaqaalaha iyo maamul wanaaga, isaga oo bogaadiyay dalalka deynta ka cafiyay Soomaaliya una muujiyay garab istaag.
Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka (IDA) ayaa ku dhawaaqay bishii December ee lasoo dhaafay in Soomaaliya ka gadubtay shuruuudihii deynta cafinta iyada oo ku guulesatay in ay gaarto Barta deyn cafinta.
Go’aankaas ay qaateen hay’adaha lacagta adduunka ayaa Soomaaliya u keenay deyn cafis xoogan oo gaareysa US$4.5 bilyan, taas oo si weyn hoos ugu dhigtay deynta dibadda.