Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka kooban sagaal xubnood.
Xubanaha guddiga oo ay soo jeedisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa kala ah;
- C/raxmaan Maxamed Aadan (Koronto)
- Maxamed Shiil Xasan Shiil
- Muna Cumar Xasan
- Yuusuf Xasan Mursal.
- Axmed Maxamed Cabdi
- Maxamed Cabdullaahi Kooshin
- Hinda Daahir Jaamac
- Cabdulqaadir Cusmaan Cabdisalaan
- Fatuma Yuusuf Saciid
Muxuu yahay Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed?
Qodobka 14-aad ee Xeerka Warbaahinta, waxa uu dhigaya in la dhiso Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed oo ah Gole Madax-bannaan oo aqoon u leh Warbaahinta iyo shuruucda dalka u yaal.
Tirada Goluhu waxay noqonaysaa 9 (Sagaal) Xubnood oo ka kala imaanaya:
B) Warbaahinta Dawladda 3 xubnoodo, oo ugu yaraan midi ay dumar tahay
T) Warbaahinta gaarka ah 3 xubnood
J) Ururrada bulshada rayidka ah:- 3 xubnood oo ka kala imaanaya: Guddiga Xuquuqul Insaanka, Ururka Haweenka iyo Ururka Qareennada Soomaaliyeed.
Golaha Warbaahinta Soomaliyeed waxaa xubin ka noqon kara aqoonyahan iyo xeeldheereyaal Warbaahineed lagu xulay waayo-aragnimo, karti, daacadnimo iyo hufnaan
Golaha waqtigiisu wuxuu noqonayaa 3 sano oo loo cusbooneysiin karo hal mar oo
kaliya haddii loo baahdo.
Maxay tahay Mas’uuliyadda Golaha?
Mas’uuliyadda Golaha waxaa ka mid ah:
1- Ilaalinta anshaxa Wariyeyaasha ka shaqeeya Warbaahinta iyo ku dhaqanka xeerka Wabaahinta Soomaaliyeed
2- Xallinta khilaafaadka ka dhasha ku dhaqanka xeerkan.
3- Dhexdhexaadinta iyo xallinta gefafka laga tabanayo Warbaahinta dawladda iyo tan gaarka ah, marka laga reebo wixii fal-dembiyeed ah.
4- Abaalmarinta iyo anshax marinta Wariyeyaasha, tifaf-tiraha iyo mas’uuliyiinta xarumaha Warbaahinta.
Goluhu wuxuu ilaalinayaa standardka iyo horumarinta aqoonta wariyeyaasha iyo warbaahinta
5- Ka tala bixinta, siinta iyo kala noqoshada rukhsadaha hay’adaha warbaahinta
6- Xallinta cabashooyinka ka yimaada Wariyeyaasha, warbaahinta, hay’adaha kale iyo bulsho weynta marka laga reebo wixii fal-dembiyeed ah.
7- Diyaarinta iyo u gudbinta wasaaradda miisaaniyadda Golaha
8- xarunta Goluhu waa caasimada Muqdisho, waxayna xarumo ku yeelanaysaa magaalo madaxyada dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada federaalka