Saturday, October 26, 2024

Mareykanka oo ka digay xaaladda amni ee Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- Safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa sheegtay in ay heshay xog ku saabsan hanjabaado ka dhan ah goobo badan oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Mid ka mid ah meelaha la tilmaamay in laga yaabo in la bartilmaameedsado ayaa lagu sheegay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, oo sidoo kale saldhig u ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo safaarado badan oo ay ku jiraan safaaradda Mareykanka iyo dalal kale oo reer galbeed ah.

“Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa heshay xog ku saabsan halis ka dhan ah goobo badan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Dhammaan dhaq-dhaqaaqyada shaqaalaha safaaradda Mareykanka waa la joojiyay Talaadada, April 9, 2024,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Nairobi.

Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa lagu booriyay inay qaadaan tallaabooyin dhowr ah oo ay ku jiraan inay dib u eegis ku sameeyaan qorshahooda amniga gaarka ah iyo inay ka fogaadaan goobaha ay joogaan dadka faraha badan, isu imaatinka iyo bannaanbaxyada, si ay xaqiijiyaan badqabkooda.

Dowladda Mareykanka ma aysan caddeyn halka ay qatarta ka imaaneyso, balse Al-Shabaab ayaa weeraro ka dhan ah dowladda Soomaaliya, ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa kale ee taageera Soomaaliya ka fulisa magaalada Muqdisho.

Dhanka kale weeraro hooobiyaayaal ah ayaa xalay lagu gaaray magaalada Muqdisho inkasta oo aan wali la sheegin khasaaraha ka dhashay iyo goobaha lala beegsaday.

Sidoo kale waxaa saaka magaalaga Muqdisho lagu arkay ciidamo daadsan waddooyinka waaweyn ee magaalada kuwaas oo sameynaya baaritaano kala duwan.

 Digniinahaan ayaa imnaaya iyadoo maalinka berri ah ay ku beeganthay maalinka koowaad ee ciidul Fidriga, waxayna dadku inta badan isagu imaan doonaan goobaha lagu damaashaado si ay u wada qeybsadaan farxadda ciidda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here