Thursday, September 19, 2024

Jadwalka doorashada Madaxtooyada iyo Xisbiyada Somaliland oo lagu dhawaaqay

Hargeysa (Dawan)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in 13-ka bisha November ee sannadka 2024-ka la qaban doono doorashada isku-dhafka ah ee Madaxtooyada iyo Axsaabta siyaasadda.

Jadwalka doorashada oo ay komishanku si hufan u soo diyaariyeen, ayaa loo gudbiyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo la filayo inuu amro in lagu soo saaro faafinta rasmiga ah.

Komishanka Doorashooyinka ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay in ay hirgeliyaan doorasho hufan oo xalaal ah, iyada oo la hubinayo in hannaanka doorashadu ka turjumayo rabitaanka shacbiga Somaliland.

Komishanka ayaa qaadi doona tillaabooyinka lagu dhammaystirayo diiwaangelinta codbixiyayaasha, iyada oo la ilaalinayo xogta cod-bixiyayaasha iyo musharraxiinta, si loo hubiyo hufnaanta doorashada

Komishanka Doorashooyinka ayaa ugu baaqay dhammaan xisbiyada siyaasadda, ururada rayidka ah, warbaahinta, iyo goob-joogayaasha caalamiga ah, in ay si firfircoon uga qayb-qaataan habsami u socodka doorashada.

Horaantii bishii March ayay ahayd, markii Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uu saxiixay wax ka bedelka lagu sameeyay xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwan gelinta codbixinta iyo xeerka nidaamka ururada iyo asxaabta siyaasadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here