Wednesday, September 25, 2024

Wararki ugu dambeeyay ee shilka diyaaradda madaxweynaha Iran

Tehran (Dawan)- Telefiishanka Iran ayaa sheegay in diyaarad Helicopter ah oo uu la socday madaxweynaha Iran Ibraahim Raisi in ay shil ku gashay bariga Azerbaijan, iyada oo ay socoto howsha lagu soo badbaadinayo madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta la socotay.

Sida ay warbaahinta kala duwan ee Iran iyo kuwa caalamiga ahba sheegeen, shilka waxaa sababay xaaladda jawiga oo aad u xun.

Wakaalada wararka ee Reuters ay soo xiganeysa mid ka mid ah mas’uuliyiinta Iran ayaa sheegatay in nolosha Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ay halis ku jirto ka dib shilka diyaaradda.

Ilaa iyo hadda lama oga nolol iyo geeri waxa ay ku suganyihiin madaxweynaha Iran iyo wafdiga la socday, waxaana idiin soo koobeynaa wax ay ay warbaahinta caalamku ka qortay ilaa iyo hadda.

Mehr News Agency: 46 kooxood ayaa baadigoob ugu jira helikobtarka madaxweynaha, 4 ka mid ah ayaa ku dhawaaday goobta shilku ka dhacay.

Mehr News Agency: Diyaaradda-ka Helicopter ah oo uu la socday Madaxweynaha Iran waxaa sababay in ay dhacdo cimilada oo aad u xun, lamana xaqiijin karo in rakaabka ay dhibaato soo gaartay iyo in kale.

Nour News: Wax kasta waa suurta gal kadib shilka diyaaradda uu saaranaa madaxweynaha Iran ee ka dhacay waqooyi-bari Iran

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka: Waxaan si dhow ula soconaa warbixinnada ku saabsan diyaaradda uu saarnaa madaxweynaha Iran ee dhibaatada la kulantay.

Madaxweynaha Azerbaijan: Waxaan diyaar lanahay wax kasta oo taageera ah.

Madaxa Bisha Cas ee Bariga Azerbaijan: 3 kooxood oo kuwa badbaadada ah ayaa ku howlan baadi goobka madaxweynaha Iran laakin waxa ay la kulmayaan cimilo aad u xun oo howshooda curyaaminaya.

Hoggamiyaha ruuxiga ee Iran: Dadka reer Iran waa in aanay welwelin, mana jiri doonto carqalad ku timaada howlaha dowladda iyo dalka.

Reuters: Yurub waxay hawlgeliyay adeegga khariidadaha dayax-gacmeedka si gacan looga gaysto raadinta helikobterka madaxweynaha Iran

Wakaalada Wararka Ardayda Iran: Madaxweyne ku xigeenka Iran ayaa amray kulan lagu abaabulayo dhamaan hay’adaha dowladda si loola socdo xaaladda madaxweynaha.

Mehr News Agency: Guutada Saabrin ee ka tirsan ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa la diray si ay u raadiyaan Helicopter-ka madaxweynaha

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga: Waxaan qaadnay dhamaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si looga qayb qaato goobidda iyo soo badbaadinta madaxweynaha Iran.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga: Waxaan cadeyneynaa in Boqortooyadu ay garab taagan tahay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran oo ku jirta duruuf adag.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here