Thursday, September 19, 2024

Soomaaliya oo war kasoo saartay shilka diyaaradda madaxweynaha Iran

Muqdisho (Dawan)- War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arriimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si hoose ula socoto wararka la xiriira shilka diyaaradii uu la socday madaxweynaha Iran Ibraahim Raisi iyo mas’uuliyiin kale uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda Iran.


” Inta lagu jiro xilligan adag, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kal iyo laab ah u rajaynaysaa badbaadada iyo badqabka Madaxweyne Raisi iyo dhammaan xubnaha wafdigiisa, iyada oo garab taagan dowladda iyo shacabka Iran” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Ku dhawaad toban saac ayaa laga joogaa markii Telefiishanka Iran uu tebiyay war sheegaya in diyaarad Helicopter ah oo uu la socday madaxweynaha Iran Ibraahim Raisi in ay shil ku gashay bariga Azerbaijan, iyada oo ay socoto howsha lagu soo badbaadinayo madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta ku wehliyay safarka.

Lama oga ilaa iyo hadda inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay shilka diyaaradda, waxaana ku adag kooxaha badbaadada in ay gaaraan goobta uu shilka ka dhacay sababo la xiriira cimilada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here