Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

IRAN

Iran ayaa ku dhawaaqday in ay qaban doonto doorasho madaxtinimo oo xilligeeda laga soo hormariyay 28-ka June, kadib geeridii madaxweyne Ibraahim Raisi oo ku dhintay shil diyaaradeed.

Sida laga soo xigtay wakaaladda “IRNA” ee Iran, go’aanka doorashada afar iyo tobonaad ee madaxtinimada dalkaas  ayaa la qaatay  ka dib kulan ay yeesheen madaxda hay’adaha garsoorka, fulinta iyo sharci dejinta.

Diiwaan-gelinta musharraxiinta ay billaaban doonta 30-ka bishan May, iyada oo  ololaha doorashada la geli doono  inta u dhaxeysa 12-ka illaa 27-ka bisha June.

Maxamed Mukhbir oo ahaa  ku xigeenkii koowaad ee Madaxweynaha  ayaa loo magacaabay inuu sii hoggaamiyo dalka inta laga qabanayo doorashada

FALASTIIN

Gaza – Ciidamada Israel ayaa sii wada howlgalkooda ciidan ee  ay ka fulinayaan  magaalada Rafax ee koonfurta Marinka Gaza.

Isniintii, wasiirka gaashaandhigga Israel,  Yoav Gallant ayaa u sheegay la taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan  in Israel  ay ballaarineyso duullaanka dhulka ee ay ku qaadeyso Rafax.

Weerarada  Israel ee Gaza ayaa galay  maalintii 228-aad, iyada oo ay ku dhinteen in  ka badan 35,500 oo qof, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 79,600.

Waxaa sii xoogeysanaya iska horimaadyada u dhaxeeya kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta iyo ciidamada Israel ee ku sugan Marinka Gaza gaar ahaan  xaafadda Jabaaliya ee ku taal waqooyiga Gaza  iyo Rafax oo ku taal koonfurta marinka Gaza.

ISRAEL

Tel Aviv- Madaxda kala duwan ee Israel ayaa ka hor timid codsigii Maxakamadda Dambiyada caalamiga ee ahaa in lasoo xiro mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaaraha Israel  Netanyahu iyo Wasiirka Gaashaandhiga Gallant kuwaas oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal.

TÜRKIYE

Ankara – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa si rasmi ah xarunta madaxtooyada ugu soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Romania Marcel Ciolacu. labada mas’uul  waxay yeelan doonaan wada hadalo laba geesood ah waxayna si wadajir ah u guddoomin doonaan shirkii ugu horreeyay ee golaha iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal.

Shirka kadib waxa la filaya in ay wada qabtaan  shir jaraa’id oo ku saabsan arrimaha ay ku heshiiyeen labada dhinac.

BELGIUM

Brussels – Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa ka qayb galaya shirka  8-aad ee Ururka Midowga Yurub iyo Moldova si looga wada hadlo xiriirka laba geesoodka ah iyo  ku biiritaanka  Midowga Yurub ee Moldova.

US

Washington – Madaxweyne Joe Biden ayaa u safri doona gobollada New Hampshire iyo Massachusetts, isaga oo ka qayb galaya  munaasabado ku saabsan ololihiisa doorashada madaxtinimo.

New York – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa yeelanaya kulan looga hadlayo ilaalinta dadka rayidka ah ee ku nool goobaha ay colaaduhu ka jiraan.

KOONFUR AFRIKA

Johannesburg – Xisbiyada Mucaaradka ee  Koonfur Afrika ayaa ololohooda doorashada u adeegsanaya hadallo ka dhan ah dadka soogalootiga ah, arrintaas oo loo arko in ay sii hurin karto ajaanib nacaybka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here