Thursday, September 19, 2024

Falastiin oo aqoonsi ka heshay 3 dal oo Yurub ah

Qudus (Dawan)- Dowladaha kala ah Norway, Ireland iyo Spain ayaa ku dhawaaqay inay si rasmi ah u aqoonsadeen Dawladda Falastiin laga bilaabo 28-ka May.

Ra’iisul wasaaraha Norway, Jonas Gahr Støre ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku caddeeyay in dalkiisu uu aqoonsanaday dowladda Falastiin si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo go’aannada golaha ammaanka ee khuseeya arrintan.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in mas’uuliyiinta Falastiin iyo Israel lagu wargeliyay go’aanka dowladda ee lagu aqoonsaday dowladda Falastiin.

Dowladda Norway ayaa bayaankeeda ku sheegtay in aqoonsiga rasmiga ah ee dowladda Falastiin uu dhaqangeli doono 28-ka bishan May.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Ireland, Simon Harris ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in dalkiisu uu si rasmi ah u aqoonsaday dowladda Falastiin.

Ra’iisul wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa sidoo kale khudbad uu ka jeediyay Baarlamaanka kaga dhawaaqay in dalkiisu uu si rasmi ah u aqoonsan yahay dowladda Falastiin.

Tan iyo bartamihii bishii April, Ra’iisul Wasaaraha Spain ayaa hogaaminayay olole ay wadeen dowlado Yurub si ay isugu dayaan in ay u abaabulaan taageerada aqoonsiga dowladda Falastiin.

Dowladaha Yurub ee hore u aqoonsaday Falastiin.


Falastiin waxaa hore dowlad ahaan u aqoonsanday marka la eego qaaradda Yurub 8 dowladood oo ka tirsan Midowga Yurub, kuwaas oo kala ah Bulgaria, Poland, Czechia, Romania, Slovakia, Hungary, Qubrus, iyo Sweden

Madaxa Sare ee Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadaha Amniga, Josep Borrell, ayaa shaaca ka qaaday inuu filayo in qaar ka mid ah wadamada Midowga Yurub ay si rasmi ah u aqoonsan doonaan Falastiin, xilliyada soo socda.

Qaar ka mid ah wadamada Carabta iyo Midowga Yurub ayaa ku heshiiyey kulan ka dhacay Spain bishii November ee lasoo dhaafay in hannaanka kaliya ee lagu xallin karo khilaafka Falastiin iyo Israel uu yahay in Falastiin loo aqoonsado dowlad leh xubinimo buuxda.

Tan iyo 1988-kii, 139 ka mid ah 193-ka waddan ee Qaramada Midoobay ayaa aqoonsaday dowladnimada Falastiin.

Diidmada Mareykanka

Dowladda Mareykanka ayaa codka qayaxan uga hortimid qaraar dhawaan la hor geeyay Golaha Ammaanka si ay Falastiin u hesho xubinimadeed buuxda ee Qaramada Midoobay, waxeyna sheegtay in marka hore ay lagama maarmaan tahay in Israel ogolaato dowladda Falastiin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here